Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka
TEHRAN - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa beeniyay warar sheegaya in Tehran ay qorshaynayso in ay daldasho ama toogato dibadbaxayaal ka soo horjeeda dowladda, kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu sheegay in loo xaqiijiyay in dilalka dibadbaxayaasha Iran ay istaageen.
Wareysi uu Araghchi siiyay taleefishinka Fox News Arbacadii, ayuu si cad u sheegay in “aysan jirin wax qorshe ah oo ku saabsan daldalid gabi ahaanba,” markii la weydiiyay in ay jiraan qorshayaal lagu fulinayo xukun dil ah oo ka dhan ah dibadbaxayaasha.
“Daldaliddu gabi ahaanba waa wax aan miiska saarnayn,” ayuu yiri.
Hadallada Araghchi ayaa yimid kaddib markii Trump uu weriyeyaasha u sheegay in loo xaqiijiyay in la joojiyay dilalka dibadbaxayaasha ee Iran, isla markaana la hakiyay fulinta xukunno dil ah oo la qorsheeyay.
Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar, iyadoo ay jireen cabsi sii kordheysa oo ku saabsan in dib u qarxo khilaaf milatari oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in uu la hadlay “ilo aad u muhiim ah oo dhinaca kale ah,” isla markaana uu si dhow ula socon doono sida xaaladdu u kobocdo, inkastoo uusan meesha ka saarin suurtagalnimada tallaabo militari oo Mareykanku qaado.
“Waxaan daawan doonnaa sida geeddi-socodku noqdo,” ayuu yiri Trump, isagoo intaas ku daray in maamulka Mareykanku ka helay Iran “bayaan aad u wanaagsan.”
Weriyaha Al Jazeera ee Washington, Mike Hanna, ayaa sheegay in hadallada Trump ay muujinayaan hoos u dhigid iyo dejin ku timid hadalkiisii hore ee adkaa ee ku wajahanaa Iran.
“Waxay u muuqataa inuu weli ka fiirsanayo ikhtiyaarro kala duwan, lana soo gaarsiiyay warbixinno ka yimid golihiisa amniga qaranka, balse hadalladan cusub waxay muujinayaan qaboojinta xaaladda iyo in Trump ka sii durkayo ficil degdeg ah oo uu horey u hanjabayay,” ayuu yiri Hanna.
Sina Toossi, oo ah khabiir sare oo ka tirsan Xarunta Siyaasadda Caalamiga ah (Center for International Policy), ayaa Al Jazeera u sheegay in sheegashada Trump ee ah in dilalka Iran ay istaageen ay u muuqato, dusha sare, “qaab uu wejiga ku badbaadsanayo” si uu uga fogaado faragelin militari. Si kastaba ha ahaatee, Toossi wuxuu xusay in tani aysan gebi ahaanba meesha ka saareyn khilaaf suurtagal ah.
“Way adag tahay in si buuxda loo qaato hadalka Trump, balse waan ognahay inuu neceb yahay inuu ku milmo dagaallo waaweyn oo aan dhammaad lahayn, khatartaasna Iran way taagneyd,” ayuu yiri Toossi.
GAROWE ONLINE