Arday iyo macalimiin badan oo ku leeday weerar lagu qaadey Jaamacad
KABUL, Afghanistan - Ugu yaraan 19 arday iyo macallimiin ah ayaa la dilay 22 kalena waa la dhaawacay markii rag aan la garanayn ay weerareen Jaamacadda Kabul ee caasimada Afghanistan Isniinta maanta ah kadib qaraxyo badan iyo israsaaseyn, saraakiisha amniga ayaa sidaas xaqiijiyay.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu in dhowr dabley ay galeen dhismaha Jaamacadda ee magaalada Kabul abaarihii 11.00 am (0630GMT) iyagoo ka dusay albaabka ku yaala jihaddawaqooyiga, taasoo dhalisay jahwareer isla markaana ardaydu naftooda u baxsadeen.
"Waxay bilaabeen inay si aan kala sooc lahayn ugu toogtaan qof walba oo meesha ku sugnaa," ayuu yiri goobjoogaha oo magaciisa qariyey.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Tariq Arian, ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu ku shaaciyey in weerarka la soo afjaray abbaare 17.00 pm. (1230GMT) lana dilay dhamaan seddexdii weeraryahan.
"Weerarkii foosha xumaa ee argagixiso ee lagu qaaday Jaamacada Kabul wuxuu ku dhamaaday dhamaan sedexdii argagixiso oo la khaarijiyey. Dhacdadan, nasiib darro, 19 qof ayaa ku shahiiday 22 kalena way ku dhaawacmeen," ayuu ku yiri war-saxaafadeedka lala wadaagay warfidiyeenka gudaha.
Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka, Akmal Samsor, ayaa u sheegay wakaalada Anadolu in inta badan dadka dhaawacmay oo badankood xaaladoodu liidato loola cararay cisbitaalka guud ee Cali Abad oo ka agdhow meesha.
Ma jirto sheegasho masuuliyadeed oo degdeg ah. Si kastaba ha noqotee, Taliban, oo qoraal soo saartey, ayaa iska fogeysay in ay ku lugleedahay.
Madaxweyne ku xigeenka Afghanistan, Amrullah Saleh, oo ku eedeeyay Taliban dhiiga dalkaas ka qubnaya, wuxuu qeexay weerarkan “fashil sirdoon”.
Weerarka ayaa dhacay xilli Jaamacadda ay ka socotay carwo lagu soo bandhigayey buugaag ay qoreen madbacado laga leeyahay Iran iyo Afghanistan.
Toddobaadkii la soo dhaafay, ugu yaraan 24 arday oo dhallinyaro ah ayaa lagu dilay weerar la mid ah kii ay Daesh-sheegatay ee lagu qaaday machad tacliimeed ku yaal xaafadda Dasht-e-Barchi ee caasimadda, halkaas oo ah aag ay inta badan deggan yihiin Shiicada Hazara ee laga tiradda badan yahay.
GAROWE ONLINE