Ardern oo soo xigatay xadiith-ka Nabi Maxamed ee midnimada

Image

CHRISTCHURCH, New Zealand – Todobaad ayaa kasoo wareegatay markii labo masjid oo ku taalla Christchurch, dalka New Zealand lagu xasuuqay Muslimiin gaareysay 50.

Muslimiinta ayaa maanta isugu soo baxay Masaajida si ay ugu oogaan Salaada Jimcaha, halkaasoo ay isugu yimaadeen in ka badan 20,000 qof oo dunida ka kala yimid.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Jacinda Ardern, ayaa waxay qayb ka ahayd dadkaasi, iyadda oo Salaada kadib khudbad u jeedisay jameecadda.

"Waxaanu nahay mid," ayay tiri Jacinda Ardern, taasi oo soo xigatay xadiith-ka Nabi Maxamed NNKH ee adkeynaya midnimadda bulsho kasta.

Isu soo baxa ayaa lagu qabtay beerta Hagley Park oo ku taalla kasoo horjeeda Masjidka Al Nuur oo qaar kamid ah Muslimiinta lagu laayay.

"Mu'miniintu waxay wadaagaan naxariis iyo isu turid waana sida hal jismi oo kale … Marka midkood uu dhibtoonayo, kan kale wuu la dareemayaa xanuunka," ayay tiri Ardern oo soo xiganeysa xadiith-ka Nabi Maxamed NNKH.

Intii ay hadal-jeedinta ku jirtay ra'iisul wasaare Ardern ayaa wadatay Xijaab, waana markii labaad oo ay sidaasi sameyso tan iyo markii uu weerarku dhacay.

"New Zealand way idinla murugooneysaa, waxaanu nahay mid," ayay hadalkeeda kusoo xirtay, iyadda oo kalmadeeda kadib ay xigtay labo daqiiqo oo loo aamusay Muslimiintii la xasuuqay.

Ugu dambeyntii, Gamal Fouda, imaamka masjidka Al Nuur ayaa uga mahad-celiyay ra’iisul wasaaraha taageerada hagar la’aanta ah oo ay u muujisay Muslimiinta tan iyo dhacdadii foosha xumeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad diiday codsiga Netanyahu ee hakinta dhagaysiga dacwad musuqmaasuq

Dacwadda koowaad, Netanyahu iyo xaaskiisa Sara ayaa lagu eedeeyay in ay ka heleen taajiriin hanti badan oo lagu qiyaasay $260,000.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 12:32PM

Trump oo Hanjabay inuu Maxkamad la Tagayo The New York Times iyo CNN

Warbaahinta CNN ayaa si buuxda u difaacday shaqaalaheeda, iyagoo sheegay in warbixintoodu ahayd mid sax ah.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 07:32AM