Ardern oo soo xigatay xadiith-ka Nabi Maxamed ee midnimada

Image

CHRISTCHURCH, New Zealand – Todobaad ayaa kasoo wareegatay markii labo masjid oo ku taalla Christchurch, dalka New Zealand lagu xasuuqay Muslimiin gaareysay 50.

Muslimiinta ayaa maanta isugu soo baxay Masaajida si ay ugu oogaan Salaada Jimcaha, halkaasoo ay isugu yimaadeen in ka badan 20,000 qof oo dunida ka kala yimid.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Jacinda Ardern, ayaa waxay qayb ka ahayd dadkaasi, iyadda oo Salaada kadib khudbad u jeedisay jameecadda.

"Waxaanu nahay mid," ayay tiri Jacinda Ardern, taasi oo soo xigatay xadiith-ka Nabi Maxamed NNKH ee adkeynaya midnimadda bulsho kasta.

Isu soo baxa ayaa lagu qabtay beerta Hagley Park oo ku taalla kasoo horjeeda Masjidka Al Nuur oo qaar kamid ah Muslimiinta lagu laayay.

"Mu'miniintu waxay wadaagaan naxariis iyo isu turid waana sida hal jismi oo kale … Marka midkood uu dhibtoonayo, kan kale wuu la dareemayaa xanuunka," ayay tiri Ardern oo soo xiganeysa xadiith-ka Nabi Maxamed NNKH.

Intii ay hadal-jeedinta ku jirtay ra'iisul wasaare Ardern ayaa wadatay Xijaab, waana markii labaad oo ay sidaasi sameyso tan iyo markii uu weerarku dhacay.

"New Zealand way idinla murugooneysaa, waxaanu nahay mid," ayay hadalkeeda kusoo xirtay, iyadda oo kalmadeeda kadib ay xigtay labo daqiiqo oo loo aamusay Muslimiintii la xasuuqay.

Ugu dambeyntii, Gamal Fouda, imaamka masjidka Al Nuur ayaa uga mahad-celiyay ra’iisul wasaaraha taageerada hagar la’aanta ah oo ay u muujisay Muslimiinta tan iyo dhacdadii foosha xumeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM