Trump oo qorsheynaya duqeymo cusub oo ka dhan ah Iran kaddib doorashada Mareykanka
WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dalalka Khaliijka ku wargeliyay inay isu diyaariyaan weerarro militari oo cusub oo ka dhan ah Iiraan, kuwaas oo la filayo inay dhacaan kaddib doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ee 3-da November.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Associated Press (AP), saraakiisha Mareykanka ayaa dalal dhowr ah oo Bariga Dhexe ah iyo xulafadooda gobolka uga digay suurtagalnimada in Washington ay dib u bilowdo duqeymaha Iiraan marka doorashadu dhammaato.
Laba diblomaasi oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa AP u sheegay in Mareykanku sidoo kale xulafadiisa uga digay suurtagalnimada in Iiraan ay ka aargoosato weerarrada, gaar ahaan xarumaha tamarta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee muhiimka ah.
Trump weli ma gaarin go'aan kama dambeys ah oo ku saabsan inuu amro weerarro cusub, balse wuxuu marar kala duwan sheegay inuu tixgelinayo tallaabo militari oo dheeraad ah marka ay dhammaato doorashada 3-da November.
Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha cusub ay socon karaan dhowr maalmood, iyadoo ciidamada Mareykanka ay diyaarinayaan hubka, diyaaradaha dagaalka iyo awoodaha kale ee militari ee looga baahan karo howlgalka.
Dhanka kale, dalalka Khaliijka iyo dowlado kale oo caalamka ah ayaa dadaallo diblomaasiyadeed oo degdeg ah wada si looga hortago in dagaalka Mareykanka iyo Iiraan uu mar kale qarxo.
Wargeyska The Washington Post ayaa Sabtidii sheegay in dalalka Khaliijku ay dadaallo xooggan ku bixinayaan sidii loo heli lahaa heshiis diblomaasiyadeed oo looga hortago weerarro cusub iyo aargoosi Iiraan oo saameyn kara dalalka gobolka.
Qatar ayaa la sheegay inay dadaallo dhexdhexaadin ah waddo, halka Cumaan ay soo jeedisay qorshe ku saabsan heshiis amni oo gobolka ah, kaas oo ay qayb ka noqon karaan Iiraan iyo Ciraaq.
Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale dhinacyada ugu baaqay inay muujiyaan taxaddar, isla markaana mudnaanta siiyaan xal siyaasadeed oo lagu yareynayo xiisadda.
Dalalka Khaliijka ayaa walaac ka qaba in haddii Mareykanku weeraro Iiraan, Tehran ay bartilmaameedsato saldhigyada ciidamada Mareykanka, xarumaha shidaalka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalalka martigeliya ciidamada Washington.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli dagaalka Mareykanka iyo Iiraan uu muddo bilo ah socday, isla markaana uu saameyn ku yeeshay amniga Bariga Dhexe, ganacsiga iyo isu socodka tamarta caalamka.
Inkasta oo dadaallada diblomaasiyadeed ay socdaan, haddana weli ma cadda in Trump uu qaadan doono go'aanka weerar cusub ama in dhexdhexaadiyeyaashu ku guuleysan doonaan inay labada dhinac dib ugu soo celiyaan miiska wadaxaajoodka.
GAROWE ONLINE