Askar ka tirsan ciidamada badda Mareykanka oo lagu la'yahay xeebaha Soomaaliya

Image
Gobolka Geeska Afrika ayaa waxaa dib ugu soo laabanaya burcadbadeedda.

Washington (GO) - Milatariga Mareykanka ayaa war saxaafadeed uu soo saaray Maanta ku sheegay in labo askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka lagu la’yahay badda xilli ay howlgalo ka sameynayeen xeebaha Soomaaliya fiidnimadii Khamiista.

Milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyay inay wadaan hawlgallo ay ku baadigoobayaan labada sarkaal, waxaana lagu soo gabagabeeyay war saxaafadeedka in aan la bixin doonin xog dheeri ah ilaa markii la ogaado halka ay ku suganyihiin.

Taliska Dhexe ee Mareykanka oo ka warbixiyay shaqda ay hayeen labada askari ayaa sheegay in la geeyay aagga ay ka howlgalaan qeybta 5-aad ee Ciidamada Badda Maraykanka, si ay uag qeyb qaataan hawlgallo halkaas ka socday.

Gobolka Geeska Afrika ayaa waxaa dib ugu soo laabanaya burcadbadeedda, iyadoo afar weerar dhawaan lagu qaaday maraakiib laga leeyahay dalal shisheeye.

Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay ciidamadeeda ku sugan xeebaha Soomaaliya, si ay u fuliyaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka marin biyoodka Cadan, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM