Askari Ameeirkaan ah oo u dhintay weerarkii Congress-ka

Image

WASHINGTON, US – Sarkaal ka tirsan Booliska xarunta baarlamaanka Mareykanka ayaa u dhintey dhaawacyo ka soo gaarey iska hor imaadyo ay la galeen taageerayaasha madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo xoog ku galay dhismaha Capitol si looga hor istaago in Koongarasku uu caddeeyo madaxweynaha la doortay Joe Biden, sidda uu talisku shaaciyey.

"Brian D Sicknick waxaa soo gaaray dhaawacyo intii uu ku guda jiray waajibaadkiisa, isagoo jidh ahaan kula hawlanaa rabshadaha ka socda xarunta Capitol ee Mareykanka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: “Markii uu ku laabtey xafiiskiisa ayuu miyir-beelay. Waxaa loo qaaday isbitaal maxalli ah halkaas oo uu ugu dhintay dhaawicii habeennimadii Khamiista".

Geerida Sicknick waxaa baari doona Waaxda dilalka ee bileyska, Booliska xarunta baarlamaanka Mareykanka iyo baarayaasha federaalka.

Dimuqraadiyiinta ayaa ka tacsiyeeyay geerida sarkaalka waxaana ay sheegeen in ay aad uga naxeen, ayaga oo geeridiisa ku sifeeyay "in ay la macno tahay in la waayey naf aad muhiim ugu ahayd dadka Mareykanka".

Qoyskiisa, asxaabtiisa, ehelkiisa iyo shaqaalaha xarunta baarlamaanka Mareykanka ayay u rajeeyeen bedel wanaagsan.

Dhimashadda sarkaalka ayaa la macno ah in weerarkii xarunta baarlamaanka Mareykanka ay ku naf-waayeen laba ruux maadaama horey loo xaqiijiyey haweenay. Dhaawaca ayaan wali la xaqijin. Balse, wararka saxaafadu waxay xusayaan in ay ka badan yihiin tobban ruux oo rayid ah. Dhacdadaas waxay sababtay in Donald Trump laga xayiro Facebook iyo Twitter.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM