Askari Israa'iil ah oo shaqada looga joojiyey jirdilka wariye

Image
Ku dhowaad 90 wariye ayaa lagu dilay gudaha Gaza tan iyo markii uu bilowday dagaalka Xamaas iyo Yahuuda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliiska Israa'iil ayaa shaqadda ka joojiyay laba askari oo si naxariis darro ah u jirdilay weriye Turki ah oo u shaqeynayay wakaaladda wararka Anadolu.

Mustafa Alkharouf ayaa Jimcihii lagu dhibaateeyay meel u dhow Masjidka al-Aqsa ee ku yaala bariga Quddus ee la haysto markii laba askari oo ka tirsan booliska xuduuda Israel ay weerareen.

Muuqaal aad ugu faafay baraha bulshadda ayaa muujiyay askarta oo qoriga afkiisa madaxa uga dhufanaya wariyaha kadibna madaxa dhowr jeer haraanti ku cel-celis ah ku dhufanaya.

Alkharouf oo ahaa saxafi wararka soo tabiya iyo muuqaal-duube ayaa waxaa loola cararay isbitaal kadib markii ay dhaawacyo daran kasoo gaareen weerarkan.

"Shaqo ka joojinta askarta ayaa socon doonta illaa laga helayo fahfaahin dhameystiran oo ku saabsan shilkan," ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxdey Taliska Booliska Yahuuda.

Qaar kamid ah Ururada Saxaafadda caalamka ayaa si weyn u cambaareeyay falka ay sameeyeen ciidamadda Yahuuda waxaana ay ku baaqeen in lagu sameeyo baaritaano caalami ah.

Ku dhowaad 90 wariye ayaa lagu dilay gudaha Gaza tan iyo markii uu bilowday dagaalka Xamaas iyo Yahuuda 7-da bishii October ee sanadkan 2023-ka, waxaana ku naf-wayaay 14-kun shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM