Askari Maraykan ah oo diidan dagaalka Qasa oo isku Hor gubay Safaarada Israa'iil

Image
Waxaa sii kordhaya codadka ka soo horjeeda taageerada Mareykanka ee Israa'iil.

Washington (GO) - Askari Maraykan ah oo lagu magacaabo Aaron Bushnell ayaa geeriyooday ka dib markii uu isku gubay afeefka safaaradda Israa’iil maalintii Axadda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Bushnell uu isku shiday dab isagoo ku dhawaaqaya “Falastiin Waa Xor”, xilli Saraakiisha Adeegga Qarsoodiga ah ee goobta ku sugnaa ay isku dayeen in ay si degdeg ah u damiyaan dabka, waxaana loo qaaday isbitaal, halkaas oo ugu geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ku ayaa ku tilmaamay dhacdadan “mid murugo leh.”

Bushnell ayaa ka hor inta uu gaysan falkan la xiriiray dhor warbaahin oo ka dhisan maraykanka isaga oo la wadaagay falka uu ku kici doono & ujeedooyinka ka dambeeya.

Bushnell ayaa ku sheegay Fariimahaas uu habka Email-ka ugu diray warbaahinta, “Magacaygu waa Aaron Bushnell. Waxaan ahay xubin ka tirsan Ciidanka Cirka ee Maraykanka, mana sii ahaan doono mid ka qeyb qaata xasuuq. Waxaan ku dhowahay inaan ku kaco fal aad u daran, laakiin marka loo barbar dhigo waxa ay dadka Falastiin kala kulmayaan gacanta gumaystayaashooda, ma aha sidaas”.

Waxaa sii kordhaya codadka ka soo horjeeda taageerada Mareykanka ee Israa'iil gudaha Maraykanka, iyadoo ay sii socdaan dibadbaxyada looga soo horjeedo Duulaanka Israa'iil ee Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM