AU oo labo asbuuc u qabtay militeriga Burkina Faso

Image

November 4, 2014 (GO)- Midowga Afrika ayaa muddo labo todobaad ah u qabtay mileteriga dalka Burkina Faso inay xukunka ku wareejiyaan, maalmo kadib markii uu xukunka qabsaday Kol. Isaac Zida oo horay u ahaa taliye ku-xigeenkii ilaalada madaxtooyada .

Go'aanka Midowga Afrika waxaa shaaciyey Gudoomiyaha Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada  Simeon Oyono oo warbaahinta la hadlay markii uu soo idlaaday kulan xubnaha golahaasi shalay oo Isniin ahayd ku yeesheen magaalada Addis Ababa.

"waxan ka codsaneynaa ciidamada qalabka sida inay awooda ku wareejiyaan hay'adaha rayidka, Goluhuna wuxuu u qabtay muddo labo todobaad ah xil wareejinta" Oyono ayaa sidaas yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay  in isbedelka ka dhacay Burkina Faso yahay mid liddi ku ah dimuqraadiyadda, maadaama kacdoonkii shacabku ku rideen Blaise Campaore ujeedkiisu ahayn in militerigu xukunka qabsdaan.

Dhanka kale, waxaa socda dalaalo ku aadan sidii xiisada Burkina Faso ka aloosan xal looga gaari lahaa, dadaaladaasoo hormuud ka yihiin wadamada ku bahoobay urur goboleedka dhaqaalaha ee dalalka dhaca galbeedka Afrika (ECOWAS). Qorshaha ECOWAS waxaa kamid ah in lasoo dhiso dowlad kumeel gaar ah, taasoo gudoomiyaha baarlamaanku hogaamin doono. 

Sarkaalka xukunka Burkina Faso qabsaday ayaa isna sida ECOWAS damacsan tahay mudada lagu jiro marxaladda kumeel gaarka ah mas'uul ka noqon doona ciidamada qalabka sida iyo sugidda ammaanka inta laga qabanayo doorasho, madaxweyne cusubna laga soo dooranayo.

Isaac Zida oo mar sii horeysey warbaahinta la hadlayey wuxuu sheegay in militerigu diyaar u yihiin inay xukunka ku wareejiyaan dowlad kumeel gaar ah oo ay horseed ka yihiin shaqsiyaad hogaamintooda raalli lagu wada yahay.

Kacdoon dadweyne ayaa bishii hore (October) dabayaaqadeedii waxaa xukunka looga tuuray Blaise Compaore oo isagu 27-dii sano ee u dambeeyey dalkaas madaxweyne kasoo ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM