Australia: Nin tooreey ku weerary dad ku sugnaa goob lagu dukaameysto

Image
Dad badan ayaa ku sugnaa goobta oo weerarka ka dhacay.

Sydney (GO) - Booliska Australia ayaa maanta boqolaal qof ka daadgureeyay xarunta laga dukaameysto ee Westfield Bondi ee magaalada Sydney, ka dib markii uu qof tooreey ku weerary dadka goobta ku sugna.

Booliska gobolka New South Wales ayaa ku dhawaaqay in ay toogteen ninka tooreeyda sitay, iyaga oo xusay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen goobta,, iyagoo ugu baaqay dadka deegaanka inay ka fogaadaan aaggaas.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in 5 qof ay ku dhinteen, iyadoo ay u sii dheer tahay dhaawaca dad kale oo qaarkood xaaladoodu liidato.

Dhacdadan ayaa timid ka dib markii Jarmalku uu shalay ku dhawaaqay inuu xiray dhowr dhalinyaro ah oo isku diyaarinayey inay weeraro Argagixiso ah ka geystaan ​​dalkaas.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM