Australia oo "argagixiso" u aqoonsatay ururka Xisbullah

Image
Bishii May, Mareykanka ayaa ugu baaqay dowladaha caalamka inay qaadaan tallaabo ka dhan ah Xisbullah.

CANBERRA, Australia - Australia ayaa lagu waramay in ay Xisbullah, oo la sheego in ay Iran taageerto ahna kooxda Shiicada ah ee fadhigeedu yahay Lubnaan, waxay u aqoonsatay in uu yahay urur "argagixiso".

Talaabadan ayaa waxay la macno tahay in dalkaas laga mamnuuco kooxda, sida uu wariyey Australian Broadcasting Corporation (ABC). Garabka milateri ee Xisbullah ayaa liiska ku jiray tan iyo 2003.

Bishii May, Mareykanka ayaa ugu baaqay dowladaha caalamka inay qaadaan tallaabo ka dhan ah Xisbullah oo meelaha ay ku xoogan yihiin ay kamid tahay Lubnaan.

Isla bishii hore, Sacuudi Carabiya waxay u kala saartay ururka Al-Qard Al-Hassan ee fadhigiisu yahay Lubnaan inuu yahay "argagixiso", isaga oo tixraacaya xiriirka dhaqdhaqaaqyada taageeraya Hezbollah.

Australia waxa ay sidoo kale ku dartay kooxda neo-Naziga caalamiga ah ee THE BASE in ay tahay urur "argagixiso", taas oo ka dhigaysa dambi in xubin laga noqdo.

"Dowladdu wax dulqaad ah uma leh rabshadaha, mana jirto sabab - diin ama fikradeed - taasoo qiil u noqon karta dilka dadka aan waxba galabsan," ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Karen Andrews.

Ingiriska iyo Kanada ayaa horey ururka ugu daray liiskooda "argagixisada". Ka hor shaacinta Arbacadii, Australia waxay sidoo kale 26 kooxood kuna jiraan ISIL, Daacish iyo Boko Xaraam u kala saartay hay'ado "argagixiso".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM