Australia oo "argagixiso" u aqoonsatay ururka Xisbullah

Image
Bishii May, Mareykanka ayaa ugu baaqay dowladaha caalamka inay qaadaan tallaabo ka dhan ah Xisbullah.

CANBERRA, Australia - Australia ayaa lagu waramay in ay Xisbullah, oo la sheego in ay Iran taageerto ahna kooxda Shiicada ah ee fadhigeedu yahay Lubnaan, waxay u aqoonsatay in uu yahay urur "argagixiso".

Talaabadan ayaa waxay la macno tahay in dalkaas laga mamnuuco kooxda, sida uu wariyey Australian Broadcasting Corporation (ABC). Garabka milateri ee Xisbullah ayaa liiska ku jiray tan iyo 2003.

Bishii May, Mareykanka ayaa ugu baaqay dowladaha caalamka inay qaadaan tallaabo ka dhan ah Xisbullah oo meelaha ay ku xoogan yihiin ay kamid tahay Lubnaan.

Isla bishii hore, Sacuudi Carabiya waxay u kala saartay ururka Al-Qard Al-Hassan ee fadhigiisu yahay Lubnaan inuu yahay "argagixiso", isaga oo tixraacaya xiriirka dhaqdhaqaaqyada taageeraya Hezbollah.

Australia waxa ay sidoo kale ku dartay kooxda neo-Naziga caalamiga ah ee THE BASE in ay tahay urur "argagixiso", taas oo ka dhigaysa dambi in xubin laga noqdo.

"Dowladdu wax dulqaad ah uma leh rabshadaha, mana jirto sabab - diin ama fikradeed - taasoo qiil u noqon karta dilka dadka aan waxba galabsan," ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Karen Andrews.

Ingiriska iyo Kanada ayaa horey ururka ugu daray liiskooda "argagixisada". Ka hor shaacinta Arbacadii, Australia waxay sidoo kale 26 kooxood kuna jiraan ISIL, Daacish iyo Boko Xaraam u kala saartay hay'ado "argagixiso".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM