Australia oo lacag ugu deeqaysa Somalia

Image

Sept 10, 2014 (Garowe Online)- Dowladda Australia ayaa shaacisay inay ugu deeqayso Soomaaliya lacag gaareysa shan milyan oo doolarka Maraykanka ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Australia ayaa lagu shegay in lacagtaas lasoo marsiin doono hay'adaha samo falka ee Qaramada Midoobay.

Lacagtaas badankeeda waxaa lagu bixin doonaa hawlaha bini aadamnimada gaar ahaan baahiyaha asaasiga ah sida: cuntada, biyaha, nadaafadda, deegaanka iyo adeegyada caafimaadka.

Dhan kale, war-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in dalkaasi uu soo dhoweynayo horumarrada ay dhanka ammaanka ka sameeyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM.

Ugu dambeyntii, Dowladda Australia  waxay ka codsatay Howlgalka Nabad Ilaalinta ee AMISOM inuu si dhow ula shaqeeyo hay'adaha gargaarka, si loo taageero dadka u baahan in degdeg loo caawiyo.

Abaaro iyo xasillooni darro ka jira gobolada qaar ayaa horseeday xaalad bini aadamnimo oo adag. Ku dhowaad saddex milyan oo qof ayaa xilligan u baahan kaalmo deg deg ah, halka in ka badan labo boqol oo kun oo carruur ahina ay nafaqo darro la il daran yihiin.

Soomaali tiradooda lagu qiyaaso 1.1milyan oo qof ayaa wadanka gudihiisa ku barakacay, hal milyan oo kalena waxay qaxooti ku yihiin dalalka Soomaaliya deriska la ah, gaar ahaan Kenya oo tirada ugu badan ee qaxootiga Soomaalida ahi ay joogaan.

Intii lagu guda jirey sanadkan 2014 oo keliya, Australia waxay Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa shan iyo toban milyan oo doolar.

Xigasho: Wasaarada A. Dibadda Australia

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM