Australia oo markii ugu horreysay haweeney u magacowday hoggaanka ciidanka

Image

CANBERRA — Dowladda Australia ayaa Isniintii maanta shaacisay in haweeney ay markii ugu horreysay taariikhda hoggaamin doonto ciidanka dalkaas, taas oo qayb ka ah isbeddel ballaaran oo lagu sameeyay hoggaanka sare ee difaaca.

Laba-xiddigle Susan Coyle, ayaa la wareegi doonta xilka taliyaha ciidanka bisha Luulyo ee sannadkan, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay dowladda. Waxay xilka kala wareegi doontaa Janaraal Simon Stuart.

Magacaabista Coyle ayaa ku soo aadaysa xilli milatariga Australia uu ku guda jiro dadaallo lagu kordhinayo tirada saraakiisha haweenka ah ee ku jira darajooyinka sare, iyadoo ciidanku uu wajahayo eedeymo la xiriira midabtakoor iyo dhibaatayn dhanka galmada ah oo ka dhex jirta safafkooda.

Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, "Laga bilaabo bisha Luulyo, waxaan yeelan doonnaa haweeneydii ugu horreysay ee noqota taliyaha ciidanka dhulka muddo 125 sano ah oo uu jiray ciidanka Australia."

Wasiirka Difaaca, Richard Marles, ayaa isna ku tilmaamay magacaabistan "daqiiqad taariikhi ah," isagoo xusay in guusha Susan ay dhiirigelin weyn u noqon doonto haweenka hadda u adeega dalka iyo kuwa mustaqbalka raba inay ku biiraan difaaca.

Susan Coyle oo 55 jir ah, ayaa milatariga ku biirtay sannadkii 1987-kii, waxayna soo qabatay xilal kala duwan oo hoggaamineed. Waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horreysay ee hoggaamisa mid ka mid ah laamaha ciidanka ee Australia. Haweenka ayaa hadda ka ah 21 boqolkiiba guud ahaan ciidanka difaaca Australia, iyadoo dowladduna ay higsanayso inay gaarsiiso 25 boqolkiiba marka la gaaro sannadka 2030-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan oo diyaarado dagaal u dirtay Saudi Arabia xili uu fashilmay Wadahadalka Islamabad

Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in u dirista diyaaradahan aysan ahayn mid militari ahaan wax weyn ka beddelaysa awoodda difaaca.

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 09:41AM

Mareykanka iyo Iiraan oo ku kala tagay wadahadalladii Islamabad

Madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku uu si daacad…

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 02:47AM