Axmed Al-Sharaa oo La Kulmay Putin xili uu booqashadii ugu horeysay ku tagey Ruushka

Image

Moscow – Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa ayaa maanta si rasmi ah ula kulmay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin magaalada Moscow, taasoo calaamad u ah bilaabidda xiriir cusub oo u dhexeeya labada dal kaddib afgambigii uu xilka uga tuuray Bashar al-Assad.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa ka dhacay qasriga Kremlin-ka, halkaas oo ay si qoto dheer uga wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah, arrimaha bini’aadantinimo, iyo iskaashi cusub oo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo milatariga ah.

Sida laga soo xigtay bayaan kasoo baxay Kremlin-ka, Putin ayaa bogaadiyay dadaalka dowladda cusub ee Suuriya ay ugu jirto xasilloonida iyo dib u dhiska dalka. Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in Ruushku diyaar u yahay inuu sii wado taageerada uu siiyo shacabka Suuriya, gaar ahaan dhinacyada gargaar bini’aadantinimo iyo la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah.

Dhinaca kale, Madaxweyne Al-Sharaa ayaa sheegay in uu doonayo xiriir “ka fog xulafo siyaasadeed oo kaliya, balse ku saleysan iskaashi dhab ah iyo dan guud oo labada dal ah.”

Ilo-wareedyo Suuriyaan ah ayaa sheegaya in kulanka sidoo kale lagu soo qaaday:

Dib u qalabaynta ciidanka Suuriya,
Mustaqbalka saldhigyada milatari ee Ruushka ee dalkaasi,
Iyo arrinta codsiga rasmiga ah ee Suuriya ee ah in Bashar al-Assad loo gacan geliyo si maxkamad loo saaro.

Waa kulankii ugu heerka sarreeyay ee dhex mara labada dal tan iyo markii isbeddelka siyaasadeed ka dhacay Suuriya dabayaaqadii 2024, waxaana uu iftiiminayaa in Moscow ay diyaar u tahay la macaamilka maamulka cusub inkasta oo uu horey u taageerayay Assad.

Waxaa la filayaa in Al-Sharaa uu booqashadiisa ku qaato dhowr maalmood oo uu la kulmayo mas’uuliyiin kale oo Ruush ah, kahor inta uusan dib ugu laaban Damascus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM