Baaritaan labo sano lagu hayay Trump oo lasoo gabagabeeyay

Image

Xeer-ilaaliyaha Mareykanka, William Barr ayaa warqad uu axaddii u diray Congress-ka ku sheegay in warbixinta Robert Mueller ee faro-gelintii uu Ruushka ku sameeyey doorashadii Mareykanka ee 2016 aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in madaxweyne Trump ama qof ku xiran ay la shaqeeyeen Ruushka.

Hase yeeshee, su’aasha ku saabsan in Trump uu cadaaladda carqaladeeyey isaga oo faro-gelinaya baaritaanka, ayaa Barr waxa uu sheegay “Warbixintu ma go’aamin in madaxweynaha uu dambi galay, sidoo kalena ma bari yeelin”

Barr ayaa sii daayey nuxurka warbixintan oo la sugayey 22 bilood, taasi oo eegeysay in ololaha Trump ay Ruushka kala shaqeeyeen in doorashada la faro-geliyo si loogu eexdo Trump iyo in kale.

Barr ayaa sheegay in Ruushka ay dhowr mar kooxda Trump u yabooheen inay ka caawiyaan doorashada, balse ay diideen.

Trump ayaa soo dhoweeyey go’aanka warbixinta, hase yeeshee waxa uu yiri “Waa ceeb in dalkeena uu maro sidan, waa ceeb in madaxweyne uu maro sidan, xittaa inta aan la i dooran”

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM