Baaritaano laga bilaabay hoyga Silvia Romano, talaabooyin la qaadayo

Image

ROMA, Talyaaniga – Saynis-yahano ka tirsan hay'addaha ammaanka Talyaaniga ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu daad-gureeyay hoyga ay Silvia Romano ka degan tahay Milan kadib weeraro lagu qaadey.

Ololaha naceybka iyo hanjabaadaha dilka ah ayaa isugu jiray kuwa loo marinayay baraha bulshadda iyo fariimo qoraal ah oo la dhigay nawaaxiga hoygooda, taasoo walwal ku abuurtay iyadda iyo qosykeeda.

Intaas waxaa wehlisa, dhalooyin lagu gannay qaar kamid ah daaqadaha degaankooda, sidda ay ku warameyso warbaahinta Talyaaniga.

Sidda ay qoreen qaar kamid ah majaladaha maxaliga ah ee waddankaas, shalay waxaa daaqada ay guriga ka degan tahay Silvia koray nin reer Masar ah, oo ku bogaadiyey Diinta Islaamka oo ay qaadatay.

Baareyaasha oo ay ku jiraan qaar ka tirsan ciidamadda la dagaalanka argagixisadda waxay baadigoobayaan caddeymo dheeraad ah kahor inta aysan dacwad kusoo oogin la tuhunsaneyaasha.

Kadib baaritaanka, waxaa la filayaa in dowladda Talyaaniga ay ilaalo gaar ah u sameyso guriga Silvia si loo badbaadiyo nolosheeda iyo tan qoyskeeda.

Saxaafadda ayaa warineysa in ololaha ka dhanka ah haweenayda ay hogaaminayaan siyaasiyiin xagjir ah oo ka gadooday in ay Islaamtay mudadii 18-ka bilood ee ay u afduubneyd ururka Al-Shabaab.

Siyaasiyiinta oo mucaarad ku ah xukuumadda ayaa la aaminsan yahay in ay ka caroodeen in dowladda madax-furasho u bixisay sii deynteeda iyo in madaxda dalkaas ay soo dhaweeyaan 24-sano jirtaan.

Silvia Romano oo la wariyey in lagu sii daayey 3 milyan oo Doolar ayaa hayata bogaga hore ee warbaahinta Talyaaniga, waxaana agagaarka hoygeeda lagu arkayaa wariyeyaal doonaya in ay wareysi la yeeshan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:15AM

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM