Baarlamaanka Jordan oo la kala diray iyo xukuumada oo is-casileysa

Image

AMMAN, Jordan – Boqorka Cabadalaha majaraha u hayo waddanka Carbeed ee Jordan ayaa kala diray baarlamaanka, talaabo dhahaha u xaareysa in doorashooyinku dhacaan bisha November, sidda ay tabisay warbaahinta maxaliga.

Sidda uu xeerinayo dastuurka dalkaas, xukuumadda dhankeeda waa in ay isku-casisho todobaad gudahiisa si loosoo magacaabo Gole Wasiiro cusub.

Bishii Julaayo, guddiga doorashooyinka ayaa shaaciyey in 10-ka November ay dhaeyso doorashada markii boqortooada sheegtay in ay muhiim tahay in coddeynta ay ku dhacdo waqtigeeda marka waqtiga ka dhaco xeer-dejinta.

Go'aanka lagu kala diray baarlamaanka ayaa dhaqan-galay Axadii. Xubnaha sharci-dejinta oo ka kooban 130 badankooda waa kuwa taageersan dowladda kuna heeb ah, waa ganacsato maamuus badan leh iyo mas'uuliyiin xilal soo qabtay.

Sidda ay warisay Al Jazeera, go'aanka kala diritaanka waxaa soo dedejiyey markii waddanka uu dhaqaale burbur kala kulmay Covid-19 iyo musuqmaasuq.

Boqor Cabdala ayaa ra'iisul wasaare wuxuu 2018-ki u magacaabay Cumar Al-Razzaz si uu meesha uga saareyo banaanbaxyo culus oo sanado socday kuwaasoo ka dhashay koror canshuur oo loosoo rogay in IMF ay ka yareyso deyn.

Baarlamaanka Jordan wuxuu leeyahay awood balse sidda dalal badan waxay qabtaan waa iska yar-tahay maadaama ay ganacsato iyo eex ku yimaadeen.

Dastuuriyan, awooda ugu badan waa iska leh boqorka kaasoo soo magacaabaya xukuumadda isla markaana ansixinaya mudaneyaasha xeer-dejinta.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka wuxuu hoos-tagaa Ururka Ikhuwaanul Muslimiin, hase ahaatee, waxay wajahayaan dacwad sharci ah taasoo hoos u dhigtay isku-day walba oo ay kusoo bandhigi lahaayeen khaladaadka maamulka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM