Baarlamaanka Turkiga oo ansixiyay in Sweden ay ka mid noqoto NATO

Image
Codsiga Stockholm ee ku biirista NATO ayaa waxaa ayiday 287 xildhibaan.

Istanbul (GO) - Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay ku biirista Sweden ee Ururka NATO, ka dib dib u dhac oo ku yimid hanaankan in ka badan hal sano, isla markaana caqabad ku ahaa taageerada reer galbeedka ee Ukraine.

Codsiga Stockholm ee ku biirista NATO ayaa waxaa ayiday 287 xildhibaan waxaana ka soo horjeestay 55 mudane, taasoo ka dhigtay dowladda Hungary caqabadii ugu dambeysay ee hortaagan ka mid noqoshada Swedan ee gaashaandhigga.

Dhankiisa, ra’iisul wasaaraha Sweden, Ulf Kristjersson ayaa sheegay in Sweden ay hal tallaabo u jirto inay xubin buuxda ka noqoto NATO, ka dib ansixintii baarlamaanka Turkiga.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM