Bam la aasay dagaalkii labaad ee dunida oo qaraxdey

Image
Afar qof ayaa dhacdadan ku dhaawacantay kuwaas oo mid ka mid ah uu aad u daran yahay.

BERLIN, Germany - Afar qof ayaa ku dhaawacantay, oo mid ka mid ah uu aad u daran yahay, markii bam la aasay dagaalkii labaad ee aduunka ay ku qaraxdey goob laga dhisayay waddo tareen kuna taala magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Kooxda dab damiska ayaa sheegtay in qaraxa uu dhacay xilli ay ku guda jirtay shaqo qodista meel u dhow buundada Donnersberger, una dhow xarunta weyn ee jidka tareenka.

Bambaanooyinka wakhtiga dagaalka ee aan qarxin ayaa si joogta ah looga helaa Jarmalka waxayna soo dedejiyaan daadgureynta boqolaal dad ah, laakiin intooda badan waxaa meesha ka saara khubarada iyagoo aan qarxin.

Booliska ayaa sheegay in bamku uu dhacay xilli ay ku guda jireen shaqada dhulka hoose ee agagaarka buundada. Warbaahin maxali ah ayaa sheegtay in jug weyn uu daba socdo qiiq fara badan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka Bavaria, Joachim Hermann oo ay soo xigatay warbaahinta maxaliga ah, ayaa tibaaxay in bamka uu culeyskiisu ahaa 250kg (550lb).

Lama oga in dhamaan magaalooyinka laga qaxay si looga jawaabo helida bambooyinka dagaalkii labaad ee aduunka, oo inta badan ay ridaan ciidamada Ingiriiska iyo Maraykanka.

Todobaatan kun oo qof ayaa ka guuray guryahoodii magaaladda Frankfurt sanadka markii uu ahaa 2017-dii kadib markii la helay bam 1.4 tan ah oo British ah gaar ahaan nooca loo yaqaano "blockbuster", sidda ay warantay saxaafadda maxaliga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM