Ban Ki-moon: waa lagu guuleystey xakameynta Ebola

Image

November 22, 2014 (GO)- Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay inay jiraan tilmaamo muujinaya in cudurka Ebola si aad ah hoos ugu dhacay.

Dadaallada looga hortegayo cudurka ayuu sheeegay inay u muuqdaan kuwo guul laga gaarey islamarkaana natiijo fiican soo saaray.

"waxaa jira horumar laga gaarey meelaha laga dhaqan geliyey istaraatiijiyadda cudurka Ebola, waxay u muuqataa in tirada dadka cudurku ku dhacayo hoos u dhaceyso, rajo ayaana jirta" Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidaas yiri.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in hadii dadaalada cudurka looga hortegayo la xoojiyo awood loo yeelan doono in la xakameeyo islamarkaana lasoo afjaro kahor bartamaha sanadka soo socda ee 2015.

"hadii aan xoojino jawaabta aan ka bixineyno la dagaalanka cudurka Ebola, waxan awood u yeelaneynaa inaan xakameyno soona afjarno cudurka kahor bartamaha sanadka soo socda, waxan ugu baaqayaa beesha caalamka inay dadaalkeeda laban labaanto"

Laga soo bilaabo bishii March ee sanadkan 2014, waxaa cudurka Ebola u geeriyoodey in ka badan 5,000 oo qof, dadkaasoo badankoodu ku dhintay dalalka Liberia, Sierra Leone, Nigeria iyo Guinea. Dalalka kale ee fayruska Ebola gaarey dadkana ku diley waxaa kamid ah Maraykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM