Bandow lagu soo rogey qeyb ka mid ah India

Image

26 August, 2015 (GO)-Ciidamada Milatariga ayaa la geeyay Caasimadda gobolka Gujarat ee ahmedabad ka dib markii ay ka dhaceen shaqaaqooyin ay sameeyeen kumanaan qof oo dalbanaya Shaqooyin.

Xukuumadda gobolka Gujarat ayaa qeybo ka mid ah Ahmedabad iyo afar magaalo oo ku yaalla gobolka galbeedka dhaca ku soo rogtey Bandow.

Dadka Cabanaya ayaa tuurayay dhagaxaan, iyagoona gubay Taayiro, waxayna wateen boorar ay ku qoranyihiin ereyo ka dhan ah tacadiyo ay sheegayeen inay la kulmeen iyadoo loo awood sheeganayo.

Rabshadahan ka dhacay India waxaa ku dhaawacmey ugu yaraan 12 askari, taasoo keentay in bandowgii ugu horeysay tan iyo 2002,dii lagu soo rogo gobolka.

"Bandowga aan ku soo rogney ayaa yimi ka dibd markii dibad baxayaashu ay dhagxaan culus ay la beegsadeen baabuurta bilayska iyagoona gubay saldhigyada booliiska ee magaalooyinka Unjha iyo Kalol"Sidaasi waxaa yiri Agaasimaha Guud ee Police ka Gobolka Gujarat PC Thakur.

Waxaa wali socda rabshadaha ay dhigayaan dadka isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee gobolka Gujarat, waxaana laamaha ammaanka dalkaasi ay sheegayaan inay ku dadaalayaan sidi lagu soo afjari lahaa isu-soo baxyada ay dhigayaan dadka cabanaya.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM