Bangiga Aduunka oo hakiyey kaalmadii Afgaanistaan

Image
Talaabadan ayaa Taliban ka hor-istaageysa lacag dhan $784 milyan oo Baanka bixiyey sanadkan 2021-ka

NEW YORK, USA - Bangiga Adduunku oo joojiyay kaalmadii Afgaanistaan ayaa walwalsan sida qabsashada Daalibaan ay u saamayn doonto "rajooyinka horumarineed ee dalka, gaar ahaan haweenka".

Mas'uul sare oo u hadlay Bangiga ayaa wuxuu u ballan qaaday Afghanistan lacag dhan $784m sannadka 2021-ka. Hase ahaatee, lacagtaas waxay u muuqataa mid dib loo dhigi doono.

"Waxaan joojinay bixinta kharashaadka hawlgalada aan ka wadno Afgaanistaan ​​waxaanan si dhaw ula soconaa una qiimaynaynaa xaaladda si waafaqsan siyaasadaha iyo hab-raacyada gudaha," ayay tiri afhayeenka Bangiga Adduunka.

Dhanka kale, in kasta oo ay muuqato in reer Yurub ay ka soo horjeedaan ka bixitaanka Mareykanka, haddana madaxweyne Joe Biden wuxuu sheegay in Washington iyo xulafadeedu ay "ku mideysan yihiin" habka loo wajahayo Afghanistan.

"Waxaan garab istaagi doonnaa saaxiibadeenna ugu dhow si aan ula kulano caqabadaha hadda ka jira Afghanistan, sidii aan la kulannay 20-kii sano ee la soo dhaafay," ayuu yiri Biden.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Waxaan kula dhaqmaynaa wadatashi iyo wadashaqayn saaxiibadeena ugu dhow iyo waddamada kale ee dimuqraadiyadda".

Gudaha m agaalada Kabul, Taliban ayaa goor hore oo Talaadadii ah sheegtay in dhammaan daadgureynta shisheeyaha ee ka socda waddanka ay tahay in la dhammaystiro 31 -ka Ogosto.

Afhayeen u hadlay kooxda hubeyan ayaa sidoo kale ku boorriyay Washington inay joojiso u qaadista "khubarada reer Afgaanistaan" sida Injineerada iyo dhakhaatiirta dalka dibaddiisa. Ma bixin tafaasiil intaas ka badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM