Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Image

DHAKA — Ra’iisul Wasaarihii hore ee Bangladesh, Sheikh Hasina, ayaa lagu xukumay dil kadib markii maxkamad ay ku heshay dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Xukunka ayaa ka dambeeyay xakameyn rabshadeysan oo lagu sameeyay dibadbaxyo arday ah, kuwaas oo ugu dambeyn dawladeeda ka tuuray oo qasabtay inay u cararto India bishii Agoosto ee sanadkii hore, taasoo dhamaad u noqotay 15-kii sano ee ay talada haysay.

Garsoorayaashu waxay codsadeen xukunka dilka kadib markii maxkamaddu maqashay in ku dhawaad 1,400 oo dibadbaxayaal ah la dilay iyo ilaa 25,000 oo kale oo dhaawacmay inta lagu jiray toddobaadyadii rabshadaha ee 2024.

Guddiga sadex garsoore ah ee Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee Bangladesh, oo ah maxkamad gudaha u qaabilsan dambiyada dagaal, ayaa go’aanka ku dhawaaqay Isniintii.

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan, dil, halka taliyihii hore ee booliiska uu helay shan sano oo xabsi ah kadib markii uu noqday markhaati dowladeed oo ka dhan ah Hasina oo qirtay dambiyadiisa.

Hasina waxa lagu eedeeyay shan dacwadood, oo badankood ku saabsan inay ku kicisay dilka dibadbaxayaasha, amar ku bixisay in la laayo, iyo sidoo kale ogolaanshaha isticmaalka hub halis ah, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo helikobtarro si loo xakameeyo rabshadaha.

Si kastaba ha noqotee, Hasina waa diidday dhammaan eedeymaha loo jeediyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM