Barlamanka Burundi oo diiday ciidamada Midowga Africa

Image

22 December, 2015(GO)-Barlamanka dalka Burundi ayaa ka fariistay qorshaha Midowga Africa damacsanyahay ee ah in lakeeno dalkaas ciidamo nabad ilaalin tiradoodu gaarayso 5,000 askari.

Dood iyo falanqayn kadib golaha sharci dajinta waddankaasi ayaa sheegay inaysan aqbalayn ciidamadas iyagoo ku fasiray tallaabo madax banaanida looga qaadayo Bujumbura.

Xukuumadda dalkaasi ayaa dhawraysay qorshaha Barlamanka kaga aadan ciidamada la qorsheeyay, waxayna sii xoojinaysaa go'aanka dowladda Pierre Nkurunziza, taasoo horay u diiday in lakeeno millitari suga amniga shacabkooda.

Gudoomiyaha Barlamanka Burundi Pascal Nyabenda ayaa tilmaamay inaysan ogolaan doonin ku tumashada madax banaanidooda, wuxuuna cadeeyay in dalku amni yahay marka laga reebo xaafado uu sheegay inay ka dhacaan rabashado yar yar.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa 54 xubnood oo kamid ah ururka Midowga Africa isku raaceen in wax laga qabto xaaladda dalka Burundi oo ciidamo loo diro.

Waddanka haatan la daalaa dhacaya fowdada siyaasadeed ayaa qayb ka ah dalalka ciidamadoodu joogaan Somalia, kuwaasi oo qayb ka ah AMISOM.

Lama saadaalin karo xaalka waddankaas ku dambayn karo, balse waxaa laga wada dharagsanyahay in haatan uu fooda la sii galay dilal, fowdo iyo xasilooni darro amni, taasoo ka dhalatay Madaxweynaha xukunka haya oo sheegay inuu isa soo sharaxayo markii saddexaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM