BARMA: Hogaamiyaasha rayidka ah oo la dhaariyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Waxaa maanta muddo dhan 50 sano kadib dalkaasi ka dhacday xaflad taariikhi ah oo xilka loogu dhaarinayay madaxweynaha Rayidka ah ee dhawaan la doortay, waxaana dalkaasi u furmay taariikh cusub sida laga soo xiganayo wakaaladaha wararka iyo siyaasiyiinta dalkaasi Myanmar.

Hogaamiyaha 70-sano jirka ah Htin Kyaw iyo labadiisa ku-xigeen Myint Swe iyo Henry Van Tio si rasmi ah loogu dhaariyay xilalkooda, waxayna sheegeen inay u shaqayn doonaan qaab daacadnimo ah islamarkaana dalka ka saari doonaan xukunkii adkaa ee soo bilowday 1962-dii.

Htin, oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa jeediyay, ayaa tilmaamay inuu wax kabadali doono dastuurka dalkaasi oo kuraasta ugu badan siinaya ciidamada iyo wasaaradaha muhiimka ah sida; Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gudaha.

Dadka rayidka ee dalkaasi Barma, ayaa soo dhaweeyay guulaha laga gaaray millateriga dalkaasi, waxayna sheegeen inay la shaqayn doonaan xukuumadooda cusub.

15-kii bishan March, ayay ahayd markii mas'uuliyiinta xilka loo dhariyay guulo muhiim ah gaareen iyagoo markaasi ku tartamaya xisbiga Dimuqraadiga dalkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM