Bashaar Al-Asad oo xaalad ku xun iyo Mucaaradka oo la wareegay magaalooyin
XALAB - Ugu yaraan afar qof ayaa lagu dilay weerar ay kooxaha fallaagada ahi ku qaadeen Xalab markii ugu horreysay muddo sanado ah, warbaahinta dowladda Suuriya ayaa sheegtay, iyadoo xoogagga fallaagada ay kordhiyeen weerarrada ay ku qaadayaan fariisimaha ay dowladdu ku leedahay waqooyi-galbeed ee dalkaas.
Fallaagada ayaa weerar dhulka ah ku qaaday magaalada Xalab kadib markii Jimcihii ay qarxiyeen labo baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxayna isku dhaceen ciidamada dowladda ee ku sugan cidhifka galbeed ee magaalada, sida laga soo xigtay kormeeraha dagaalka iyo dagaalyahannada Suuriya.
Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in kooxaha hubeysan ay gudaha u galeen bartamaha magaalada Xalab, iyadoo aan faah faahin dheeraad ah laga bixin.
Ciidamada Suuriya ayaa sheegay Jimcihii in ay iska caabiyeen weerar xooggan oo lagu soo qaaday magaalada.
Horaantii, afar qof oo rayid ah oo ay ku jiraan labo arday ayaa la dilay kadib markii kooxaha fallaagada ay duqeeyeen dhismo ay degan yihiin ardayda jaamacadda Jimcihii, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dowladda ee SANA.
Falaagada ay hogaamiso kooxda hubaysan ee Hay’et Tahrir al-Shams ayaa arbacadii bilaabay weerar ay ku qabsadeen toban magaalo iyo tuulooyin ku yaala waqooyi galbeed ee gobolka Xalab.
Weerarkan ayaa ah kii ugu xooganaa ee ka dhaca waqooyi galbeed ee dalka Siiriya tan iyo sanadkii 2020, markaasoo ciidamada dowlada ay la wareegeen deegaano ay horey u maamuli jireen dagaalyahanada mucaaradka, waxaana uu yimid kadib todobaadyo rabshado hoose ay socdeen.
Diyaaradaha dagaalka Ruushka iyo kuwa Suuriya ayaa Khamiistii duqeeyay goobaha ay mucaaradka haystaan ee waqooyi-galbeed ee Suuriya oo u dhow xuduudka Turkiga, si ay isugu dayaan inay dib u riixaan duullaan lagu qabsaday dhul markii ugu horreysay muddo sannado ah, sida ay sheegeen ciidammada Suuriya iyo fallaagada.
GAROWE ONLINE