Belgium: Hadii Ruushka Gantaallo kusoo tuuro Brussels, waxaan Khariiradda ka tiri doonaa Moscow 

Image

BRUSSELS, Oct 28, 2025 – Wasiirka Difaaca Belgium, Theo Francken, ayaa digniin aad u xooggan u jeediyay Ruushka, isaga oo ku hanjabay in haddii madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu rasaas ama gantaal ku soo rido Brussels, “annuanna aan Moscow ka tirtiri doonno khariidadda.”

Francken, oo hadalkan ku sheegay mar uu ka hadlayay arrimo la xiriira ammaanka iyo jawaab-celinta milatari ee suurtagalka ah, ayaa hadaladiisa ku sifeeyay inay yihiin digniin adag oo ku wajahan tallaabo kasta oo ka dhan ah caasimadda Belgium.

Hanjabaadda noocan oo kale ah ayaa dhalin karta xiisad diblomaasiyadeed, iyadoo caalamku xasaasi u yahay hadallada madaxda difaaca ee quseeya isticmaalkooda awood militari. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka yimid dowladda Ruushka ama wasaaraddeeda arrimaha dibadda oo ka jawaabtay hadalka Wasiirka Francken.

Sidoo kale, waxaa suurtagal ah in hadalkan uu keeno su’aalo ku saabsan istaraatiijiyadda difaaca Belgiium iyo xeerka caalamiga ah ee la xiriira isticmaalka xoogga iyo ka-hortagga khataraha nukliyeerka iyo gantaallada.

Warbixintu waxay xustaa in jawiga siyaasadeed iyo ammaanka Yurub uu xasaasi yahay, isla markaana hadaladan noocaas ah ay saameyn ku yeelan karaan xiriirka caalamiga ah iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee lagula tacaalayo xiisadaha gobolk

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM