Biden iyo Modi oo wadahadal telefoonka ah yeeshay

Image

WASHINGTON, USA – Madaxweyne Joe Biden wuxuu xaqiijiyey inuu doonayo xoojinta xiriirka Mareykanka iyo India kadib wadahadalkiisii ugu horeeyay ee uu la yeesho Ra'iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, iyadda oo ajandaha lagu daray isbadalka cimilada iyo "qiyamka dimuqraadiyadda".

Biden oo Isniintii wacay Modi wuxuu hoosta ka xariiqay in uu diyaar u yahay dardargelinta wadashaqeynta New Dehli oo uu dhabaha u xaarey madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Donald Trump, kaas oo booqasho qaran ku tagay India sanad ka hor kaasoo ahaa safarkiisii ugu dambeeyay ee dibada isla markaana daaranaa xoojinta isbaheysiga ka dhanka ah dowladda Shiinaha.

Balse, Biden ayaa waxaa u dheer isbeddelka cimilada oo ah ajende hoggaamiyaha cusub ee Mareykanka uu siinayo mudnaanta koowaad xilli ay jirto heerkulka meerayaasha oo sidda la sheegay in uu si xawli ah u kululaanayo.

Biden iyo Modi waxay ku ballameen inay "si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loogu guuleysan lahaa dagaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19 ee faafa, cusbooneysiinayana iskaashigooda ku aaddan isbeddelka cimilada, dib u dhiska dhaqaalaha adduunka si ay uga faa’iideystaan dadka labada dal isla markaana ay u wada istaagaan ka hortagga aafada argagixisada adduunka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Aqalka Cad.

Magaalada New Delhi, xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in Modi uu soo dhaweynayo sare u qaadista Biden ee hamigiisa isbedelka cimilada iyo ku biirista heshiiskii Paris ee uu ka baxay Trump sanadkii 2017.

Xafiiska ayaa ku daray Modi inuu rajeynayo inuu kaqeybgalo shir madaxeedka cimilada oo Biden qorsheyneyso inuu waco bisha April.

Hindiya waa dalka saddexaad ee ugu weyn ee sii deysa kaarboon-laba-ogsaydhka sababta u ah isbeddelka cimilada, waxaana ka dambeeya Shiinaha iyo Mareykanka oo taariikh ahaan ku doodaya in ay caddaalad darro tahay in lagu sii hayo isla shuruucda ay leeyihiin waddama horumaray.

Bayaanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale waxaa lagu qeexay "in Biden uu hoosta ka xariiqay rabitaankiisa inuu difaaco hay'adaha dimoqraadiga ah iyo xeerarka adduunka oo dhan xusayna ballanqaad wadaag ah oo ku aaddan qiyamka dimoqraadiyadda ay tahay aasaaska xiriirka Mareykanka iyo Hindiya".

Hindiya ayaa waxay aad ugu dhow-dahay Mareykanka balse waxay la kulantay cambaareyn balaaran oo isa soo taraysa kagana timaadda qaar ka mid ah sharci-dajiyayaasha Xisbiga Biden ee Dimuqraadiga kuwaas oo wariyey in Modi uu wado qorshe uu mabda'a waddniyadda ugu adeegsanayo in uu gacanta India kusoo celiyo gobolka ay dalka Pakistan isku haystaan ee Kashmir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM