Biden & Netanyahu oo ku wada hadlay khadka taleefoonka ka dib khilaaf soo jiitamayay muddo bil ah

Image
Labada hogaamiye ayaa isku haysta sida loo maareyay dagaalka ka socda marinka Qasa.

Washington (GO) - Aqalka Cad ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ay yeesheen wada-hadaladii ugu horreysay muddo bil ka badan.

Biden iyo Netanyahu ayaa markii ugu dambeysay hadlay 15-kii Febraayo, labada hogaamiye ayaa is dhaafsaday dhaleeceyn ku aadan maareynta dagaalka ka socda marinka Qasa.

Khilaafka ayaa daaranaa tirada dhimashada ee Falastiiniyiinta iyo xaaladda bini'aadantinimo ee sii xumaaneysa ee Qasa ka dib duulaanka Israa’iil ee looga jawaabayay weeraradii ay qaadeen Xamaas 7-dii October.

Aqalka Cad ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, “Madaxweyne Biden wuxuu la xiriiray ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu si uu ugala hadlo xaaladihii ugu dambeeyay ee Israa’iil iyo Qasa”.

Aqalka Cad ayaa sheegay in ay daabici doono faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan wadahadalkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM