Biden oo lagu cambaareeyay "inkirida" saxafiyiinta lagu dilay Gaza

Image
Madaxweynaha Mareykanka oo martigeliyay xaflad ku saabsan xorriyada saxaafada ayaan soo hadal-qaadin qadiyaddan.

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Mareykanka oo Aqalka Cad ku martigeliyay munaasabad sanadle ah ku aaddan "xornimada saxaafadda iyo dimuqraadiyadda" ayaan soo hadal-qaadin dagaalka Israa'iil ee Gaza oo ay ku dhinteen ugu yaraan 97 wariye.

Tani ayaa waxay imaanaysaa iyadda oo bannaanbaxyo ay ka qeybgalayaan boqolaal dadwayne ah ay ka socdeen bannaanka hoteelka ay ka dhacdey casho-sharafta lagu qabanayo.

Isu-soo-baxan ayaa waxaa si xooggan lagu cambaareeyay maamulka Jeo Biden sidda uu u wajahayo dagaalka iyo ku boorinta martida inay qaadacaan munaasabadda.

Biden waxa uu khudbadiisa intiisa badan ku majaajilooday madaxweynihii isaga ka horreeyay iyo ninka ay xafiiltamaan ee Donald Trump, laakiin waxa uu sidoo kale ammaanay saxafiyiinta “kuwaas oo dhab ahaantii naftooda halis u geliyey” hawlahooda shaqo.

“Qaar badan ayaa soo gaaray dhaawacyo halis ah, qaar kalena waxay waayeen xorriyaddooda. Suxufigu waxa cad in aanu dambi ahayn. Ma aha halkan, ma jiro, meel kasta oo adduunka ka mid ah, "ayuu yiri, isaga oo aan sheegin meesha "halkaas" laga tixraacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM