Biden oo lagu soo dhaweeyay Israa’iil

Image

TEL AVIV - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta oo Arbaca ah booqasho ku tagay Israa'iil, ka dib 12 maalmood oo socday dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas.

Booqashada Biden ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii boqolaal qof lagu dilay duqeyn lala beegsaday Isbitaalka Al-Ahly ee Marinka Qasa, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 500 oo qof.

Ka dib markii uu soo baxay warka ku saabsan duqeynta isbitaalka, Biden waxa uu muujiyay sida uu uga xun yahay masiibadan, isaga oo ku sheegay bayaan uu soo saaray in uu ka carooday khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Waxa uu raaciyay: "Waxaan ku amray Golaha amniga qaranka inay sii wadaan ururinta xogta dhabta ah ee ku xeeran dhacdadan.”

Dhankiisa, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken ayaa arbacadii la soo xiriiray madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas oo u tacsiyeeyay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM