Biden oo lagu soo dhaweeyay Israa’iil

Image

TEL AVIV - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta oo Arbaca ah booqasho ku tagay Israa'iil, ka dib 12 maalmood oo socday dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas.

Booqashada Biden ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii boqolaal qof lagu dilay duqeyn lala beegsaday Isbitaalka Al-Ahly ee Marinka Qasa, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 500 oo qof.

Ka dib markii uu soo baxay warka ku saabsan duqeynta isbitaalka, Biden waxa uu muujiyay sida uu uga xun yahay masiibadan, isaga oo ku sheegay bayaan uu soo saaray in uu ka carooday khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Waxa uu raaciyay: "Waxaan ku amray Golaha amniga qaranka inay sii wadaan ururinta xogta dhabta ah ee ku xeeran dhacdadan.”

Dhankiisa, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken ayaa arbacadii la soo xiriiray madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas oo u tacsiyeeyay.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Putin oo La Kulmay Hogaamiyeyaasha Falastiin, Zimbabwe iyo Burkina Faso

Heshiiska xabbad-joojinta ee Ukraine ayaa la doonayaa in uu joojiyo dagaalka ka soconaya bariga Ukraine tan iyo Febraayo 2022.

  • Caalamka

    11-05-2025

  • 10:28AM

Putin: Diyaar baan u ahay wadahadal toos ah oo shuruud la'aan ah inaan Ukraine la galo

Si kastaba, Putin ma uusan si toos ah uga jawaabin soo jeedinta xabbad-joojinta ee ugu dambeysay ee Sabtida.

  • Caalamka

    11-05-2025

  • 08:01AM