Biden oo maxbuuskii koowaad ka wareejiyay Guantanamo Bay

Image

NEW YORK, USA - Mareykanka ayaa wuxuu maxbuus kasoo wareejiyay xabsiga Guantanamo Bay kadib markii ugu horeysay tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Joe Biden dibna ugu celisay wadankiisa hooyo ee Marooko.

Maxbuuskan u dhashay Marooko, Abdul Latif Nasser, oo 50-teemo jir ah, ayaa bishii Luulyo 2016 waxaa dib-u-celintiisa fasaxay guddiga dib-u-eegida balse waxaa dhaqan-gelinta daahiyey maamulkii Donald Trump.

"Guddiga Dib u Eegista Dib-u-celinta wuxuu go'aamiyay in xariga Nasser uusan sii ahaan karin mid lagama maarmaan u ah ilaalinta amniga qaranka Mareykanka," ayaa lagu yiri qoraal maanta kasoo baxay Pentagon-ka.

Sannadkii 2016, guddiga ayaa ku taliyay oggolaanshaha dib u celinta Nasser, laakiin nidaamka lama dhammaystiri karin ka hor dhammaadka xilheynta madaxweynihii hore, Barack Obama oo karaarsiiyey in albaabadda la isugu laabay jeelkan ay hareeyeen eedeymo ku saabsan xarig sharci darro ah iyo tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Wareejinta Nasser ayaa la rumeysan yahay in ay la macno tahay in Biden uu wado dadaalo lagu yareynayo tirada maxaabiista Guantanamo, oo hada gaaraya 39. Markii ugu sareysay, xarunta waxaa ku jiray 800 oo maxbuus.

Maamulka Biden ayaa bishii Febraayo wuxuu bilaabay daraasad ku saabsan sida albaabadda loogu laabi karo xabsiga hase ahaatee wuxuu ka taxadirayaa in uusan ugu fashilin sidii Obama.

Sarkaalka ayaa u sheegay guddiga in Nasser "uu si qoto dheer uga qoomameynayo ficilladiisii ​​hore" wuxuuna muujiyay kalsooni uu kula qabsan doono bulshada dhexdeeda. Maxbuuskan hore waligii laguma soo oogin wax fal-dambi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM