Biden oo saxiixay amar farxad u ah dad Soomaalidu ku jiraan

Image
Tani ayaa meesha ka saaraysa baahida dukumiintiyada jireed iyo jeegaga waraaqaha lagu soo diro boostada.

WASHINGTON, USA – Madaxweyne Joe Biden ayaa saxiixay amar fulin Isniintii si loogu oggolaado dadka Mareykanka inay ku cusboonaysiiyaan baasaboorkooda qaab online ah, taasoo meesha ka saaraysa baahida dukumiintiyada jireed iyo jeegaga waraaqaha lagu soo diro boostada.

Sida laga soo xigtay xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki, amarka ayaa qaadan kara inta u dhaxaysa lix ilaa 12 bilood si uu u dhaqan galo.

Markii Coronavirus-ku ku qasbay xafiisyada baasaboorka inay xiraan bilo sanadka 2020, nidaamkna waxaa ku xayirmay malaayiin codsiyo baasaboor ah oo howsha ku jiray, taasoo dib u dhac weyn ku keentay socotada.

Bishii Oktoobar, Waaxda Arrimaha Dibadda waxay sheegtay in waqtiyada sugitaanku ay hoos ugu dhaceen siddeed illaa 11 toddobaad, ama shan ilaa toddoba toddobaad oo adeegyo la dedejiyey, oo ku kacay $60 dheeraad ah.

Ilaa inta nidaamka cusboonaysiinta baasaboorka dhijitaalka ah la abuurayo, socotada waa inay soo gudbiyaan cusboonaysiinta baasaboorka ugu yaraan afar ilaa shan bilood ka hor safarka caalamiga ah.

Si kasta oo ay yihiin shuruucda gelitaanka waddanku, saraakiisha waxay ku taliyeen in dadka socotada ah ay hubiyaan in baasaboorradoodu uu leeyahay lix bilood oo ansax ah wakhtiga ay baxayaan.

Shirkadaha diyaaradaha qaarkood waxaa laga yaabaa inaysan u oggolaan rakaabku inuu fuulo haddii ay haystaan ​​​​wax ka yar lix bilood ilaa uu baasaboorka ka dhacayo, xitaa haddii aan looga baahnayn meesha ay ku socdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM