Biden oo shuruud ku xiray in uu xayiraada ka qaado Iran

Image

WASHINGTON, USA – Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanku cunaqabateynta ka qaadi doonin Iran ka hor inta aysan Tehran dib ugu laaban balanqaadkeedda heshiiskii Nukliyeerka ee 2015, oo ah cqabadaha ugu weyn ee xudunta u ah is mari waaga u dhexeeya labada qaran.

Biden ayaa la weydiiyay intii lagu guda jiray wareysiga CBS News haddii Washington ay ka qaadi doonto cunaqabateynta si ay Tehran ugu soo celiso heshiiska oo xeerinaya dowladda Iran ay ogolaatay in ay yareyso barnaamijkeeda nukliyeerka iyaddoo ku bedelaneysa cunaqabateynta.

"Maya," ayuu Biden ku jawaabay, sida ku cad goos-gooska wareysiga oo la soo dhigay baraha internet-ka Axaddii todobaadkan.

Intii lagu guda jiray ololihiisii madaxweynenimo, Biden wuxuu carabka ku dhuftay inuu rajaynayo inuu ku laabto heshiiskii Nukliyeerka ee Iran iyo inuu xiriirka Tehran soo celiyo oo maamulkii Donald Turmp jaray.

Balse, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, maamulkiisu wuxuu qaaday tallaabo adag, isagoo sheegay in gorgortamayaasha Mareykanku aysan la macaamili doonin dhiggooda Iiraan illaa ay Tehran ku soo laabato fulinta buuxda.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa go’aan hal dhinac ah uga baxay heshiiska 2018 taas oo qeyb ka ahayd istiraatiijiyaddii uu cadaadiska ugu badan ku saarey Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Horaantii Axada, Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa tibaaxay in Washington ay tahay in marka hore "kusoo noqotaa balanqaadyadeedii heshiiska," oo si rasmi ah loogu yaqaan Qorshaha Wadajirka ah ee Waxqabadka (JCPOA), ka hor inta Tehran aysan sidoo kale sameynin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM