Biden oo soo gaarey Dhabarjab siyaasadeed

Image

WASHINGTON. D.C — Dhabarjab weyn oo siyaasadeed ayaa soo gaaray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, kaddib marki uu Senator Joe Manchin oo dimoqraaddi ah uu diiday inuu taageero qorshaha dib u qaabeynta Deegaanka iyo Bulshada Mareykanka ee Aqalka Cad.

Qorshahan oo ay ku kaci laheyd xirmo dhaqaale oo gaareysa $2 trillion oo dollar ayuu madaxweyne Biden ku rabaa, in dib loogu qaabeeyo kaabayaasha dhaqaalaha, sida waxbarashada, isbaddalka cimmilada, daryeelka waayeelka iyo carruurta.

Dimoqraadiga ayaa u baahan in ay helaan 51 cod, si uu xeerkani u meel maro. Golaha Senetka oo ka kooban 100 ayay dimoqraadigu ka heystaan 51 kursi.

Hase yeeshee senator Munchin oo ah dimoqraadi laga soo doorto gobolka West Virginia oo ah gobol dhaqan ahaan Jamhuuri ah, ayaa u sheegay Telefishanka Vox News u sheegay inuusan taageeri karin qorshahan.

Arrintan ayaa dhabaaxo weyn oo siyaasadeed ku noqon doonta madaxweyne Biden iyo xisbigiisa dimoqraadiga, xilli ay soo dhaw yihiin doorashooyinka Koongareeska Mareykanka.

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM