Biden oo soo gaarey Dhabarjab siyaasadeed

Image

WASHINGTON. D.C — Dhabarjab weyn oo siyaasadeed ayaa soo gaaray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, kaddib marki uu Senator Joe Manchin oo dimoqraaddi ah uu diiday inuu taageero qorshaha dib u qaabeynta Deegaanka iyo Bulshada Mareykanka ee Aqalka Cad.

Qorshahan oo ay ku kaci laheyd xirmo dhaqaale oo gaareysa $2 trillion oo dollar ayuu madaxweyne Biden ku rabaa, in dib loogu qaabeeyo kaabayaasha dhaqaalaha, sida waxbarashada, isbaddalka cimmilada, daryeelka waayeelka iyo carruurta.

Dimoqraadiga ayaa u baahan in ay helaan 51 cod, si uu xeerkani u meel maro. Golaha Senetka oo ka kooban 100 ayay dimoqraadigu ka heystaan 51 kursi.

Hase yeeshee senator Munchin oo ah dimoqraadi laga soo doorto gobolka West Virginia oo ah gobol dhaqan ahaan Jamhuuri ah, ayaa u sheegay Telefishanka Vox News u sheegay inuusan taageeri karin qorshahan.

Arrintan ayaa dhabaaxo weyn oo siyaasadeed ku noqon doonta madaxweyne Biden iyo xisbigiisa dimoqraadiga, xilli ay soo dhaw yihiin doorashooyinka Koongareeska Mareykanka.

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM