Biden oo su'aal ka keenay tirada lagu dhawaaqay ee dhimashada Falastiiniyiinta

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uusan ku kalsoonayn saxnaanshiyaha tirada ay ka shaaciyeen Falastiiniyiintu ee dadka ku dhintay Qasa.

Biden ayaa yiri: "Ma aaminsani in Falastiiniyiintu ay runta ka sheegayaan tirada dhimashada," isaga oo tixraacaya Wasaaradda Caafimaadka ee ka shaqeysa Marinka.

Wuxuu intaas ku daray: "Laakiin waxaan hubaa in dad aan waxba galabsan la laayay, waana qiimaha dagaalka."

Madaxweynaha Mareykanka ma uusan sharaxin sababta uu uga shakisan yahay tirada dhimashada ay ku dhawaaqeen Falastiiniyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM