Biden oo telefoonka kula xiriiray dhaxal-sugaha Abu Dhabi

Image

WASHINGTON, USA – Madaxweynaha Mareykanka, oo Talaadadii khadka taleefanka wuxuu kula xiriiray dhaxalsugaha Abu Dhabi, ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee caadeynta xiriirka u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Israel, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Aqalka Cad.

Wadahadaladda telefoonka Joe Biden iyo Mohammed bin Zayed al-Nahyan ayaa qeyb ka ah talaabooyin diblumaasiyadeed oo madaxweynaha Mareykanka ku gaarayo hogaamiyeyaasha dunida kadib markii maamulkiisa 100 maalin jirsday.

Israel ayaa xiriir rasmi ah la sameysay Imaaraatka bishii Sebtember iyada oo qayb ka ah heshiiska ay garwadeenka ka tahay Mareykanka. Imaaraatka iyo Israa’iil waxay wadaagaan walaac ka dhan ah saameynta Iran ee gobolka Bariga Dhexe.

Biden iyo Amiir Maxamed ayaa sidoo kale waxay kawada xaajoodeen "cabirka nukliyeerka iyo heer gobol ee halista ka imaaneysa Iran, iyo sidoo kale doonitaanka guud ee dejinta iyo nabada" ee Bariga Dhexe".

Biden "wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee caadeynta xiriirka u dhexeeya Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Israel," ayaa la raaciyey bayaanka. Biden "wuxuu muujiyey inuu si buuxda u taageerayo xoojinta iyo ballaarinta qaababkan."

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka kasoo baxay Aqalka Cad, Biden iyo amiirka dhaxalka leh ayaa sidoo kale waxay isla soo qaadeen colaadda Afghanistan iyo dhibaatada bini'aadanimo ee ka jirta gobolka Tigrey ee waddanka Itoobiya".

Heshiiska ay dalal Carbeed ay xiriir diblumaasiyadeed kula yeesheen maamulka Yahuuda waxaa soo dhoodhoobay madaxwaynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump. Falastiiniyiinta oo talaabadaas ku qeexay "mindi looga suray dhabarka" waxay dhaleeceeyeen "walaaha dalalka Muslimiinta ah ee aqoonsaday Israa'iil".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM