Biden oo u goodiyey hogaamiyeyaasha milatariga Myanmar

Image

WASHINGTON, USA - Madaxweyne Joe Biden ayaa Arbacada maanta ah sheegay in Mareykanku uu cunaqabateyn saari doono hogaamiyaasha militariga ee Myanmar kadib afgambigii ay sameeyeen, wuxuuna ku baaqay in awooda lagu celiyo hogaamiyaasha rayidka.

Muuqaal la baahiyey isaga oo ku sugan Aqalka Cad ayuu Biden ku cambaareeyay go'aanka uj milatariga awooda ugala wareegay iyo xariga hoggaamiyaha la doortay Aung San Suu Kyi oo ku guuleysatay Nobel.

"Maanta, waxaan ku dhawaaqayaa talaabooyin taxane ah oo aan qaadi doonno si aan u bilowno in aan cawaaqib ku ridno hoggaamiyeyaashii inqilaabka," ayuu yiri Biden.

Wuxuu ku daray:"Dowlada Mareykanka waxay qaadeysaa talaabooyin ay kaga hortageyso jeneraalada inay si qaldan u helaan marin $ 1 bilyan oo ah lacagta dowlada Burma ee lagu hayo Mareykanka".

Myanmar, oo horey loo yiqiin Burma, mararka qaarna waxaa wali magacaas ugu yeera Mareykanka.

Intaa waxaa dheer, Biden wuxuu ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo toos ah oo ka dhan ah "hoggaamiyeyaasha millatariga ee hagayey afgembiga, saaxiibadooda ganacsiga iyo sidoo kale xubnaha qoysaskooda u dhow".

"Mareykanka ayaa ku dhawaaqi doona wareegtada koowaad ee cunaqabateynta toddobaadkan wuxuuna ku soo rogi doonaa waxyaabaha ay Myanmar dhoofiso, iyadoo wali ay bixinayso gargaar caafimaad iyo gargaarka bani'aadamnimada," ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka.

Hogaamiyaasha si dimoqoraadiga ah loo soo doortay ee Myanmar waxaa xiray ciidamada militariga ee ka amar qaata Jeneraalka Sare ee Min Aung Hlaing subaxnimadii hore ee Febraayo 1-keeda sanadkan 2021 kadib markii ay isku qabteen doorashooyinkii waddankaas ka dhacay oo xisbiga taladda haya uu si weyn ugu adkaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM