Biden oo wajahaya mooshin xil-ka-qaadis ka dib markii uu ku tilmaamay El-Sisi madaxweynaha Mexico

Image
Biden ayaa dhowr mar isku qalday Madax hore oo geeriyootay iyo kuwoo hadda xilka haaya.

Washington (GO) - Koox wakiillo ah ayaa shaki ka muujiyay awoodda madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ee 81-jirka ah uu ku hoggaamin karo Mareykanka haddii dib loo doorto 4-Sano oo kale.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu dhaleeceeyay qaladaadka afeed uu ku dhacayo, iyo in uu in badan ku jahawareeray magacayada dadka & xilalka ay kala hayaan.

Madaxweynaha ayaa dhowr mar isku qalday Madax hore oo geeriyootay iyo kuwoo hadda xilka haaya, waxaan taasi ka dhashay in tiro ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Jamhuuriga ah ay ka faa'ideystaan fursadaan.

Wakiiladan ayaa dalbaday in la dhaqan galiyo wax ka bedelka shan iyo labaatanaad ee dastuurka Mareykanka, kaasoo dhigaya in Madaxweynaha Mareykanka xilka laga xayuubiyo hadii ay ku cadaato inuusan dalka hogaamin karin.

Baaqyadan waxay ka yimaaddeen Wakiilada kala ah: Rick Scott (Florida), Mike Lee (Utah), Josh Hawley (Missouri), Mary Miller (Illinois), Marjorie Taylor Greene iyo Mike Collins (Georgia).

Madaxweynaha Mareykanka ayaa mar uu ka hadlayay qalalaasaha Qasa, waxa uu dhiggiisa Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ku tilmaamay “madaxweynaha Mexico”, taasoo ah qaladkii saddexaad ee uu ku dhaco toddobaad gudihiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM