Biden oo xaalad degdeg ah geliyay Mareykanka

Image

Kooxaha gurmadka ee gobolka Kentucky ee dalkaan Mareykanka ayaa wali guryaha iyo dhismooyinka burburay ka baaraya, dad ay suurtagal tahay in naf loogu tago, kaddib duufaanti xoogga laheyd ee Jimcihi garaacday gobollo ku yaalla Koofurta iyo Galbeedkadhexe ee Mareykanka.

Saraakiisha ayaa sheegay in dad aad ay wali la la’yihiin korontada iyo biyaha, qaar ayaanan heysan hooy, halka kuwo kalana ay ku hoyonayaan guryo aanan saqaf laheyn.

Gobolka Illinois, ugu yaraan lix ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda Amazon ayaa ku dhintay duufaanta. Gobolka Arkansas, guri lagu xannaaneeyo waayeelka ayaa waxaa ku dhintay laba qof, Tennessee afar qof ayaa laga soo wariyay in duufaantu ay ku dhishay, halka gobolka Missouri-na la xaqiijiyay dhimashada laba ruux.

Laakin masiibada xooggeeda ayaa ka dhacday gobolka Kentucky, halkaas oo uu guddoomiyaha gobolkaas Andy Beshear uu sheegay Axaddii shalay, in ugu yaraan 80 qof ay ku dhinteen. Wuxuu intaasi raaciyay in tirada dhimashadu ay kor u dhaafi karto 100.

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM