Biden oo xaalad degdeg ah geliyay Mareykanka

Image

Kooxaha gurmadka ee gobolka Kentucky ee dalkaan Mareykanka ayaa wali guryaha iyo dhismooyinka burburay ka baaraya, dad ay suurtagal tahay in naf loogu tago, kaddib duufaanti xoogga laheyd ee Jimcihi garaacday gobollo ku yaalla Koofurta iyo Galbeedkadhexe ee Mareykanka.

Saraakiisha ayaa sheegay in dad aad ay wali la la’yihiin korontada iyo biyaha, qaar ayaanan heysan hooy, halka kuwo kalana ay ku hoyonayaan guryo aanan saqaf laheyn.

Gobolka Illinois, ugu yaraan lix ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda Amazon ayaa ku dhintay duufaanta. Gobolka Arkansas, guri lagu xannaaneeyo waayeelka ayaa waxaa ku dhintay laba qof, Tennessee afar qof ayaa laga soo wariyay in duufaantu ay ku dhishay, halka gobolka Missouri-na la xaqiijiyay dhimashada laba ruux.

Laakin masiibada xooggeeda ayaa ka dhacday gobolka Kentucky, halkaas oo uu guddoomiyaha gobolkaas Andy Beshear uu sheegay Axaddii shalay, in ugu yaraan 80 qof ay ku dhinteen. Wuxuu intaasi raaciyay in tirada dhimashadu ay kor u dhaafi karto 100.

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM