Biden oo xilka KMG ahaan ugu wareejiyey Ku xigeenkiisa

Image

WASHINGTON: Madaxweyne Joe Biden ayaa jimcaha si ku meel gaar ah xilka ugu wareejin doona madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris inta uu marayo Baaris caadi ah oo uu mari jirey taas oo sababi doonta in dhakhaatiirtu suuxiso, sidaas waxaa warfidiyeenka u sheegey xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Psaki.

Biden ayaa calooshiisa loo ridi doona Tuubo, baaritaanadaan ayaa sida aqalka Cad sheegey Madaxweynuhu mari jirey inta aan la dooran.

"Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka shaqayn doona xafiiskeeda ku yaal dhinaca Galbeed ee aqalka Cad “West Wing”inta lagu jiro wakhtigan," Psaki ayaa ku tiri hadal ay soo saartay.

Biden waxa uu subaxnimadii jimcaha soo gaadhay Xarunta Caafimaadka ee Walter Reed si uu u maro baaritaan sanadle ah oo caadi ah -- Biden oo baaritaankiisu noqonaya kii ugu horeyeey inta xafiiska uu qabtey ayaa ah madaxweynihii ugu da'da weynaa ee taariikhda Maraykanka.

Waa wax caadi ah in madaxweyne ku xigeenku la wareego awoodaha madaxtinimo inta uu madaxweynuhu marayo hawl caafimaad oo u baahan suuxdin. Madaxweyne ku xigeenkii Dick Cheney ayaa sidaas sameeyay dhowr jeer markii madaxweynihii xilligaas George W.Bush lagu sameeyay baaritaanno caadi ah.

Horraantii sanadkan, xoghayihii hore ee warfaafinta ee Madaxweynihii hore Mareykanka Stephanie Grisham ayaa si weyn u sheegey in Donald Trump  booqasho qarsoodi  ku tagay Walter Reed sanadka 2019, balse ka aamusey si uu uga fogaado inuu awooda madaxweynaha ku wareejiyo madaxweyne ku xigeenka Mike Pence.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM