Biriq ku habsatay xaflad aroos oo dishay in ka badan 10 ruux

Image
Aroosada ayaanan ku sugneyn munaasabadda. Balse, waxaa dhaawacyada kamid ah Arooska. [Photo: Online]

DHAKA, Bangladesh - Dhowr biriq ayaa ku dhacay xaflad aroos gudaha Bangladesh dhowr ilbidhiqsi gudahood, waxaana ku dhintay ugu yaraan 16 qof, waxaana dhaawacmay ninkii arooska ahaa, sidda ay saraakiishu sheegeen.

Sida uu sheegay madaxa dawladda ee magaalada Arbacada maanta ah. kooxdan ayaa dhawaan doon ka tagtay magaalada webiga Shibganj si ay gabaad uga dhigtaan roob culus oo dayay.

"Aroosadda ma aysan joojin munaasabadda," ayuu Sakib Al-Rabby u sheegay wakaaladda wararka ee AFP, isagoo xaqiijiyay in dhaawacyada la dhigay isbitaal ku yaalla degmada galbeedka dhacda ee Chapainawabganj.

Duufaanno dabeylo wata oo xooggan ayaa sanadkan ku dhuftay Bangladesh. Toddobaad roobab mahiigaan ah oo ka da’ay degmada koonfur-bari ee Cox’s Bazar ayaa sababay dhimashada 20 qof, oo ay ku jiraan lix qaxooti Rohingya ah.

Biriqdu waxay horey boqolaal qof ku galaafatay waddanka Koonfurta Aasiya. Sida laga soo xigtay tirakoob rasmi ah, waxaa jiray in ka badan 200 oo biriq ku dhintay 2016, iyadoo 82 qof ay dhinteen hal maalin bishii May.

Waxaa jira soojeedino ku saabsan in dhimashadda intaas ka badan tahay. Si kastaba ha ahaatee, hal tirokoob oo si madaxbannaan loo sameeyay ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 349 qof ay biriqdu dishay isla sanadkaas.

Khubarada qaar ayaa sheegaya in jarista dhirta ay kordhisay tirada dhimashada. Bangladesh waxay beeratay boqolaal kun oo geed timir ah si loo yareeyo saameynta isbedelka cimilada iyo in la yareeyo tirada dhimashada biriqda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM