Bitcoin Oo Si Weyn Hoos Ugu Dhacday Xilli Suuqyada Caalamku Qalalaase Ku Jiraan

Image

Suuqa lacagaha dhijitaalka ah ayaa galay marxalad hoos u dhac ah, kaddib markii Bitcoin – oo ah lacagta ugu weyn crypto-ga – ay lumisay ku dhowaad kala bar qiimaheedii ugu sarreeyey ee ay gaartay dabayaaqadii sanadkii hore.

Maalintii Khamiista, Bitcoin waxay hoos uga dhacday heerka $70,000, taasoo noqotay markii ugu horreysay ee ay gaarto heerkan muddo ka badan hal sano. Hoos u dhaca guud wuxuu gaarayaa qiyaastii 44% marka loo eego heerkii ugu sarreeyey ee ay taabatay bishii Oktoobar.

Suuqyada Oo Ka Jeestay Maalgalinta  Halista Ah

Falanqeeyayaasha maaliyadeed waxay sheegayaan in hoos u dhaca crypto-ga uu la xiriirayo isbeddelka dareenka maal-geliyayaasha caalamka. Xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed, cabsi dhaqaale, iyo hubanti la’aan suuqyada tiknoolajiyadda, maal-geliyayaal badan ayaa ka guuraya hantida halista ah sida crypto, iyagoo u wareegaya kuwo ammaan loo arko.

Dahabka, oo mar walba loo arko kayd qiime oo la isku halleyn karo, ayaa si weyn kor ugu kacay, taasoo sii muujisay kala duwanaanshaha u dhexeeya labada hanti.

“Dahab Dijital Ah” Mise Hanti Halis Leh?

Muddo dheer taageerayaasha crypto-ga waxay ku doodayeen in Bitcoin uu yahay “dahab dijital ah” — meel lagu keydiyo qiimaha marka ay dunidu qalalaase gasho. Hase yeeshee, hoos u dhaca hadda socda ayaa shaki geliyey aragtidaas.

Halkii uu kor u kici lahaa xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo dhaqaale, Bitcoin wuxuu u dhaqmay sida hantida kale ee halista ah, isagoo hoos u dhacay marka cabsidu kororto.

Saameynta Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Caalamka

Xiisadaha sii kordhaya ee geopolitics-ka — oo ay ku jiraan hadallo kulul oo ka imanaya Washington, khilaafaad ganacsi, iyo cadaadisyo caalami ah — ayaa sare u qaaday cabsi suuqeed.

Sidoo kale, horumarka degdegga ah ee tiknoolajiyadda AI-ga ayaa gilgilay suuqyada saamiyada tiknoolajiyadda, taasoo sii kordhisay dareenka hubanti la’aanta maalgashiga.

Maal-gelinta Waaweyn Oo Hoos U Dhacday

Warbixino dhowaan soo baxay ayaa muujinaya in maal-gelinta hay’adaha waaweyn ee Bitcoin ay yaraatay bilihii la soo dhaafay. ETF-yada Bitcoin-ka oo la filayey inay soo jiitaan dhaqaale ballaaran ayaan gaarin heerarkii la saadaaliyey, taasoo hoos u dhigtay dhaqdhaqaaqa suuqa.

Intaa waxaa dheer, masuuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa caddeeyey in dowladdu aysan faragelin karin ama xasilin karin suuqyada crypto-ga — arrin sii kordhisay walaaca maalgashadayaasha.

Taariikhdu Maxay Sheegaysaa?

Inkastoo hoos u dhacan uu culus yahay, haddana ma aha mid ku cusub Bitcoin. Lacagtan dhijitaalka ah ayaa hore u soo martay burburro waaweyn:

  • Hoos u dhacii ka dhashay jabsigii Mt. Gox
  • Burburkii suuqa ICO-yada 2018
  • Iyo qalalaasihii sharci iyo mid maaliyadeed ee 2021–2022

Mar kasta oo ay dhacdo, Bitcoin waxay dib u soo kaban jirtay muddo ku dhow hal sano ilaa sanad iyo bar.

Aragti Guud

Hoos u dhaca Bitcoin wuxuu markale muujiyey dabeecadda kacsan ee suuqyada crypto-ga. Inkastoo qaar u arkaan tani fursad maalgashi oo cusub, kuwo kalena waxay u arkaan digniin muujinaysa in crypto-gu weli yahay suuq halis sare leh oo si dhow ugu xiran xaaladaha caalamka.

 

Si kastaba, su’aasha taagan ayaa ah:

Bitcoin ma sii ahaan doontaa “dahab dijital ah” mise waxay ku ekaan doontaa hanti la mid ah saamiyada halista ah?

Related Articles

Weeraradii Iran Qaadeysay Oo Hoos U Dhac Ku Yimid, Sabab?

Duqeymaha ay wadaan ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah….

  • Caalamka

    06-03-2026

  • 12:57PM

Duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil ee Iran oo sii socda; in ka badan 1,045 qof oo la dilay

Xiisadda sii kordheysa ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in colaadda ay ku faafto Bariga Dhexe oo dhan.

  • Caalamka

    05-03-2026

  • 06:38AM