Blinken oo la hadlay madaxweynaha xilka laga tuurey ee Niger

Image

(GO) - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay bayaan ku saabsan wadahadal dhanka taleefoonka ah oo dhexmaray xoghayaha arrimaha dibadda Anthony Blinken iyo madaxweynaha Niger oo ay ciidamadu afgambi xilka uga qaadeen Mohamed Bazoum.

Wadahadlkan oo dhacay maanta oo Arbaca ah, ayuu Blinken ku xaqiijiyey taageerada joogtada ah oo aan kala go'a lahayn ee dalkiisu u hayo madaxweyne Mohamed Bazoum.

Blinken ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in Mareykanka uu diiday dadaalka lagu doonayo in lagu badalo nidaamka dastuuriga ah ee Niger.

Waxa kale oo uu sheegay in dalkiisu uu garab taagan yahay dadka reer Niger, Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS), Midowga Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah kuwaas oo taageeraya dawladnimada dimuqraadiga ah, sharciga iyo xuquuqda aadanaha.

Mareykanka ayaa markii hore xaqiijiyay in afgambiga Niger uu halis ku yahay kaalmada dhaqaale ee uu Mareykanka siiyo Niger.

Maamulka militariga ayaan dan ka lahayn wararka kasoo baxayo reer galbeedka, ama taageerada ay siinayaan madaxweynihii xilka laga tuuray ee Maxamed Bazoum, iyagoo ku tiirsan xulafadooda deriska la ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM