Bog cusub oo u furmaya cilaaqaadka Imaaraadka iyo Iran

Image
Sarkaal sarre kana tirsan xukuumadda UAE ayaa lagu waddaa in uu u socdaalo Tehran.

MUQDISHO, Soomaaliya – Lataliyaha sare ee amniga qaranka Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Tahnoon bin Zayed Al Nahyan, ayaa Isniinta booqan doona Iran si uu ugala hadlo ballaarinta xiriirka laba geesoodka ah ee kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Islaamiga ah, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran Axaddii.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta oo ku saabsan booqashada Sheikh Tahnoon, oo ay walaalo yihiin dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Amiir Mohammed bin Zayed iyo guddoomiyaha maal-gashiga dawladda ADQ.

"Waxa uu Tehran kula kulmi doonaa xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran (SNSC) Ali Shamkhani iyo mas’uuliyiin kale oo Iran ah," ayuu yiri Nournews ee Iran oo xiriir la leh SNSC.

2019, Imaaraadku wuxuu bilaabay inuu la macaamilo Iran ka dib weerarradii lagu qaaday booyadaha biyaha Khaliijka iyo kaabayaasha tamarta Sacuudiga.

Quwadda Muslimiinta Sunniga ah ee Sacuudi Carabiya ayaa wadahadalo toos ah la bilowday Iran bishii April, iyadoo Riyadh ay ku tilmaantay wadahadalka mid "wanaagsan" balse inta badan sahaminayay.

Anwar Gargash, oo ah la taliyaha dhanka diblomaasiyadda ee madaxweynaha Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay bishii hore in dalkiisu " qaadayo tillaabooyin uu ku dejinayo xiisadda kala dhexeysa Iran, taasoo qayb ka ah siyaasadda doorashada ee ku wajahan dublamaasiyadda iyo ka fogaanshaha iska hor imaadka".

Booqashada Sheikh Tahnoon ayaa ku soo beegantay maalmo ka dib wadahadalo aan toos ahayn oo u dhexeeya Washington iyo Tehran oo ku saabsan dib u soo celinta heshiiskii Nukliyeerka ee Iran quwadaha dunida la gashay 2015-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM