Boko Haram oo dad kasoo afduubatey Cameroon

Image

January 19, 2015 (GO)- Mileeshiyo ka tirsan kooxda Boko Haram ayaa tobannaan qof kasoo afduubtey dalka Cameroon kadib markii ay kasoo tallaabeen xadka uu dalkaasi la wadaago Nigeria.

Wasiirka warfaafinta Cameroon Issa Tchiroma ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la qafaashay oo tiradoodu  lixdan qof tahay ay dumar iyo carruur ku jiraan, isagoo sidoo kale sheegay in mileeshiyada Boko Haram dishey dhowr qof tobanaan gurina dab qabadsiisey.

Issa Tchiroma ayaa dhanka kale sheegay in ficilada kooxdaasi sameynayso yihiin kuwo waxashnimo ah kana baxsan mabaadi'da suuban ee bini aadamnimada.

Midowga Afrika ayaa dhowaan shaaciyey in khatarta Boko Haram marba marka ka dambeysa sii badaneyso loona baahan yahay in si wadajir ah laysaga kaashado sidii loo xakameyn lahaa.

Dalka Chad oo ka jawaabaya codsiga Midowga Afrika ayaa boqollaal askari usoo direy Nigeria, si ay ciidamada dalkaas gacan uga siiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Boko Haram.

April 2014, mileeshiyo ka tirsan kooxdaas ayaa magaalada Chibok ee gobolka Borno ka afduubtey 276 gabdhood oo ciyaal iskuul ahaa, kuwaasoo markii dambe 50 kamid ah soo baxsadeen.

Isla sanadkii hore ee 2014, Boko Haram waxay tuulo ku dhow xadka dalka Nigeria la wadaago Cameroon ka aftuubtey xaaska madaxweyne ku-xigeenka Cameroon in kastoo markii dambe ay soo daayeen iyada iyo shaqaale ajnebi ah oo u dhashay dalka China.

Boko Haram oo ah koox xagjir ah, taasoo xilligan gacanta ku haysa qaybo badan oo kamid ah waqooyi-bari Nigeria, waxay laga soo bilaabo sanadkii 2009 dishey in ka badan 5,000 oo qof o rayid u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM