Booliiska Norway oo loo ogolaaday in ay hub qaatan si ay u ilaaliyaan muslimiinta loo hanjabay

Image
Taliska booliska Norway ayaa soo saaray go'aankan ka farxiyay dadka muslimiinta ah.

Oslo (GO) - Taliska booliska Norway ayaa go’aamiyay Sabtidii, in askarta booliisku ay qaataan hub ilaa amar dambe, sababo la xiriira hanjabaado loo jeediyay dadka muslimiinta ah ee dalkaas ku nool.

"Taliyaha Guud ee Booliisku wuxuu go'aansaday in la hubeeyo booliiska dalka oo dhan, laga bilaabo galabnimadii Sabtida," ayay ku qortay bayaan.

Waxay ku dartay: "Go’aankan ayaa imaanaya ka dib hanjabaadaha ka dhanka ah dadka muslimiinta ah oo dhawaan u dabaal-degi doona Ciidul-fidriga”.

Booliiska Norway ayaa qaadan wax hub ah gudaha Scandinavian-ka, laakiin waa loo oggol yahay inay sidaas sameeyaan haddii ay helis jirto oo dad shacab ah loo hanjabo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM