Booliska Canada oo xiray rag loo haysto dilka wiil Soomaali ah

Image
Qoyska marxuumka ayaa rajo wanaagsan waxay ka muujiyeen in ay helaan cadaalad waafi ah.

TORONTO, Canada - Booliska magaaladda Winnipeg ee dalka Canada ayaa Axada maanta ah waxaa la sheegay in ay xireen laba eedeysane oo lala xiriirinayo in ay khaarijiyeen wiil Soomaali ah.

Allaha u naxariistee, marxuum Maxamed Yuusuf Abiikar ayaa 26-kii bishii August ee sanadkii hore lagu dilay magaaladaasi, sida ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah.

Labada eedeysane oo aan Soomaali aheyn ayaa, sida ku xusan warbixinadda, waxaa lagu soo oogay dacwad ah dil darajada koowaad waxaana ay haatan sugayaan maxkamadeyn.

Maxamed Yuusuf oo degan magaalada caasimadda ah Toronto ayaa lagu waramay in uu fasax ahaan u joogay magaalada Winnipeg oo ah caasimadda gobolka taariikhiga ah ee Manitoba.

Yaasiin Abiikar Cali oo adeer u ah Allaha u naxariistee Maxamed Yuusuf una waramay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da ayaa rajo aad u wanaagsan in ay cadaalad u helaan wiilkooda.

Soomaalida ayaa kamid ah ajaaniibta lagu beegsado Canada. Kaliya magaalada Toronto waxaa la rumeysan in lagu toogtey in ka badan 300 wallow ay ku jiraan qaar dhexdooda ay isku geysanayaan.

Qoysaska Soomaalida ayaa lagu dhaleeceeyaa in aysan dabagelin kiisaska dilka caruurtooda ayna taas ugu wacan tahay in dambi-baareyaasha ay hakiyaan marka ay arkaan in aanan la daba-joogin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM