Booliska Nairobi oo qabtay walxo qaraxyada loo adeegsado

Image

December 15, 2014 (GO)- Booliska ayaa goor hore oo saaka ahayd muddo kooban xiray mid kamid ah jidadka muhiimka ah ee magaalada Nairobi, kadib markii lagu arkay walxo qaraxyada loo adeegsado.

Jidka boolisku xireen oo lagu magacaabo Juja wuxuu dhex maraa xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan walxaha ay saaka heleen iyo weliba ciddii halkaas dhigtay.

Ammaanka dalka Kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya. 

Kenya ayaa soo gelitaanka ciidankeeda ee Soomaaliya ku sababeysey inay tahay si ay ula dagaallamaan Al-shabaab, oo sida Kenya sheegtay khatar geliyey dhaqaalaheeda iyo weliba ammaanka muwaadiniinteeda. 

Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarro khasaare badan dhaliyey oo ka dhacay gudaha Kenya, sidoo kale Al-shabaab ayaa ku goodidey inay sii wadi doonto weerarada tan iyo inta Kenya ciidamadeeda dib ugala soo baxayso Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM

Iran oo Maraykanka Ka Dalbatay Inuu Ka Qaado Cunaqabateynta Dhaqaale

Labada dhinac ayaa todobaadyo badan waday wadahadallo adag oo la xiriira barnaamijka nukliyeerka.

  • Caalamka

    02-06-2025

  • 01:19PM