Booliska Yuhuuda oo mar kale ku duulay masjidka Al Aqsa

Image
Muqaalo Jimcihii la soo galiyay baraha internetka ayaa muujinayay booliiska oo ridaya sunta dadka ka ilmeysiisa.

TEL AVIV, Israel – Booliiska Israa’iil ayaa galay dhismaha Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa oo ku yaalla magaalada Quddus, labo maalmood kadib markii ay isku dhaceen Falastiiniyiin.

Booliiska ayaa falastiiniyiinta ka saaray bannaanka masjidka maanta oo Axadda, halka daraasiin Falastiiniyiin ah ay ku hareen gudaha dhismaha masjidka iyagoo ku dhawaaqaya Allahu Akbar.

Booliska ayaa sheegay in ay u galeen masjidka si ay u fududeeyaan booqashada caadiga ah ee Yuhuuda ay ku tagaan goobta barakeysan. Waxay sheegeen in falastiiniyiintu ay uruursadeen dhagxaan is ay is hortaag ugu sameeyeen Yuhuud iyada oo ay wali socdaan rabshadaha.

Booliska ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay fududeeyaan xuriyadda cibaadada ee Yahuudda iyo Muslimiinta.

Goobtu waa tan saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka iyo goobta ugu wayn ee barakaystaan Yuhuudda. Masjidkaan ayaa mudo xudun u ahaa rabshadaha Israel iyo Falastiin.

Iska hor-imaad ayaa ka dhacay goobta ka hor waaberigii Jimcihii ka dib markii ay booliisku sheegeen in Falastiiniyiintu ay dhagxaan ku tuureen dhinaca darbiga Galbeed, oo ah goobta barakeysan ee Yahuudda.

Booliiska ayaa si xoog ah u galay waxayna isku dhaceen daraasiin Falastiiniyiin ah wax yar kadib salaadii subax. Ugu yaraan 158 falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay rabshadaha ka socda hareeraha masjidka.

Muqaalo Jimcihii la soo galiyay baraha internetka ayaa muujinayay booliiska oo ku ridaya sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bambooyinka gacanta laga tuuro shacabka Muslimiinta iyo falastiiniyiinta oo dhag xaan ku dagaalamaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM